Xukuumada Jsl Iyo Ganacsade Cali Waraabe Keebaa Run Ka Sheegaya Cida Shidaalka Keenaysa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Jsl Iyo Ganacsade Cali Waraabe Keebaa Run Ka Sheegaya Cida Shidaalka Keenaysa?
October 4, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Mareeyaha Haamaha Kaydka Shidaal Ee Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Xasan Abasi ayaa dhawaan shaaciyay in xukuumadu keenayso Shidaal isagoo Ganacsatada  shirkadaha shidaalka keena u wargaliyay in xukuumadu lasoo degayso shidaal islamarkaana haamaha kaydka shidaalku wakhti xaadirkan aanay ku shuban Karin shidaal.

Hadalka xukuumada kasoo yeedhay ayaa noqday mid su,aalo badan dhaliyay Isla markaana  abuuray dareeno kala duwan

Dhanka kale Ganacsade Cali Ibraahim (Cali Waraabe) oo kamid  shirkadaha shidaalka soo dajiya ayaa isna dhawaan sheegay in aanay jirin shidaal ay  xukuumadu keenayso wararka sheegaya In ay shidaalkeenaysana aanay waxba ka jirin!

Shacabka Somaliland ayaa arintani ku noqotay Amakaag Ah taasi iyana abuurtay dareeno kale.

Hadaba ma xukuumada uu mareeyaha Haamuhu matalayo ayaa run sheegaysa oo soo dajinaysa Shidaalka? Mise Ganacsade Cali Waraabe ayaa xaqiiqda ka sheegaya oo majirto wax shidaal ah oo xukuumadu ay soo dajinayso?

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA HADALKA MAAREEYAHA IYO GANACSADE CALI WARAABE IYO KA AY RUN NOQOTO HADALKA UU BULSHADA USOO GUDBIYAY?

COMMENTS
LINKS