Hawlaha Horyaala Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ee Cusub !! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hawlaha Horyaala Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ee Cusub !!
October 13, 2019 - Written by Editor:

Komishanka doorashooyinku waa hay’adda u qaabilsan dalka jamhuuriyada somaliland in ay doorashooyinka u qabato waana hay’ad qaran oo dhisan oo shaqaysa oo leh shaqaale iyo khubaro aad ugu xeeldheer arimaha doorashooyinka iyo waxii ay shaqadoodu tahay.

Hay’adaasi waxa maamula gudi doorashooyin oo ay soo xulaan axsaabta qaranka, madaxweynaha jamhuuriyada somaliland iyo golaha guurtida jamhuuriyada somaliland,  gudidaasi oo ka kooban 7 xubnood waxaana loo soo kala xulaa Madaxweynaha 2 xubnood,  G.Guurtida 2 Xubnood,  iyo sadexda xisbi qaran oo min 1 xubin ah .

Gudidaasi marka la soo magacaabo ee laga wada ansixiyo dhamaan xubnaha gudida golaha wakiilada jamhuuriyada somaliland ayaa kulanadooda ugu horeeya waxa ay iska dhex doortaan gudoomiye iyo kuxigeen iyo xubnaha kale oo midba shaqo loo asteeyo .

Gudida doorashooyinka qaranku shaqada ay qaranka u hayaan waa shaqo culus oo xasaasi ah oo u baahan cadaalad iyo sida xaqu yahay in ay ku shaqeeyaan shaqadoodana u gutaan iyaga oo aan cidna u habranayn oo ay dalkooda masuuliyadaa loogu dhiibay aanay dhaawac iyo wax dhibaato keena u horseedin.

Haddaba komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub waxa horyaalla hawlo culus oo loo baahan yahay in ay aad uga taxadiraan iskuna taxalujiyaan in sharuucda dalka iyo is waafajiyaan xili doorasheedyada oo inaga noqday la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan , arimahaasi oo ay sababaan muranada axsaabta qaranka iyo duruufo dad samee ahi inta badan .

Komishankan cusub waxa horyaalla :

▪ In ay qabtaan doorashooyinka dhamaantood inta muda xileedkooda ku beegan.

▪ In ay diwaangalintii cod bixiyaha doorashooyinka somaliland dib u furaan oo ay diwaan galiyaan dadkii aan hore isku diwaan galin , dadkii gaadhay da’dii lagu diwaan galinayey dadkii qaangaadhay Intii ka dambaysay doorashooyinkii hore .

▪ Ka hawlgalida diwaan galin qaran oo dalku wax ku qaybsado doorashooyinka golaha wakiilada iyo waxii kale ee la mid ah .

▪ In ay qabtaan tartankii ururada iyo axsaabta oo mudadiisa khalkhal soo galayo hadii 2022 ka xili ka horeysa la qabto doorashada golaha deegaanka oo ah doorashada lagu furo ururada siyaasada,  ama  in la raaciyo furista ururada siyaasadeed doorashada ugu horeysa ee deegaan ee dalka ka qabsoonta mudada ka horeysa 2022 ga .

▪ Iyo in iska ilaaliyaan dhamaan khaladaadkii iyo caqabadihii qabaaday komishanadii ka horeeyay oo dhan , aanay iska hagaajiyaan waxwalba oo axsaabta qaranku ka cabatay ama dadweynuhu saluug ka muujiyeen oo shaqadooda khuseeya.

▪ Ta ugu dambaysa oo ah in gudidaasi noqoto koox iyagu wada shaqaysa oo danta doorashooyinka ku foogan , iskana ilaaliyaan danaha iyo rabitaanada cida soo magacowday ee kala wada gaarka ah .

Muhamed Dhimbiil: Facebook

@dhimbiil : Twitter

Mob: +252634241005

Email: hormood@hotmail.com

Somalilandstar@gmail.com

COMMENTS
LINKS