DAAWO;-Muuqaalka Ciidanka Taraafikada Oo Fal Foolxun Kula Kacay Abwaan Weedhsame Iyo Sidii Wax Udhaceen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Muuqaalka Ciidanka Taraafikada Oo Fal Foolxun Kula Kacay Abwaan Weedhsame Iyo Sidii Wax Udhaceen!
October 28, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil(Weedhsame) oo kamid ah Hormuudka hal  Abuurka Dadayarta ee reer somaliland ayaa waxaa fal fool xun kula kacay qarkamida ciidan nabadgalyada wadooyinka oo si badheedh ah gacan iyo awood ugu adeegsaday Abwaanka,

Dhacdadan Foosha xun ee  Dhex martay ciidanka taraafikada iyo abwaan xasan daahir ismaaciil (weedhsame) ayaa  dhacday Maalintii Sabtidii xili gaadhi abwaanku lahaa oo horyaala Wasaarada waxbarshada Ay askar ka tirsan ciidanka taraafikadu  isku dayeen in ay Ka Banjariyaan taayirada gaadhi balse uu abwaanku la kulmay iyagoo ku guda jira banjarinta taayirada gaadhi

Abwaan Weedhsame oo aan wax ka waydiiyay sida uu u dhacay falkan dhexmaray ciidanka nabadgalyada wadoyinku iyo waxa ay gaadhsiiyeen ayaa noo xaqiijiyay arinta iyo halka ay ka dhacday

Wuxuna yidhi “Walal waxay ahayd Maalintii sabtidii gaadhi Aan aan watay oo horyaala wasaarada waxbarashada, ayuunbaan kusoo baxay askari taraafig oo banjarinaya taayirada gaadhiga waxaanan waydiiyay maxaa dhacay askarigii? wuxuu iigu jawaabay ka qaad gaadhiga meesha madaxwaynihii ay soo marayeen”ana waxaan ugu jawaabay gaadhigu wuxu yaal baarkinkii wasaarada waxbarashada, waxaaba ku xigtay in ay xoog iyo dagaal igu bilaabaan, ayuu yidhi abwaan weedhsame,

Nasiib daro se waxay markii ciidanku bilaan in xoog iyo awood igu kaxaysaan ayuu yidhi,

Maaha markii uhoraysay ee askartan taraafikada ahi ay dad shacabka kula kacaan falkan noocan oo kale wallow ay ku guuldarayseen in abwaan weedhsame ay xidhaa shacabkii goobtan ku sugnaa oo ka dhiidhiyay awgeed

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA CIIDANKA TARAAFIKADA OO SI SHARCIGA KA BAXAN ULA DHAQMAYA ABWAANKA;

 

COMMENTS
LINKS