“Askariga Waxaanu Isu Maan-Dhaafnay Arrin Aan U Arkayey Inay Gef Igu Tahay”!Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Askariga Waxaanu Isu Maan-Dhaafnay Arrin Aan U Arkayey Inay Gef Igu Tahay”!Abwaan Weedhsame.
October 28, 2019 - Written by Editor:

Abwaan Weedhsame Oo ka Hadlay Dhacdo Dhexmartay Askari Ka Tirsan Ciidanka Taraafikada!

“Gaadhigayga Oo Barxad “Parking” Yaalla Ayuu Igu Yidhi Ka Qaad Madaxweynihii Baa Soo Marayee”Abwaan Weedhsame.

HARGAYSA(W,N)- Abwaan xasan daahir ismaaciil weedhsame ayaa ka waramay fal ay kula kacay askari katirsan ciidanka nabadgalyada wadooyinka ee taraafikada kaasi oo hadidaad iyo tacadi kula kacay

Abwaan weedhsame ayaa qoraal uu kaga hadlay dhacdadaasi ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga waxayna udhignayd Sidan;

“Dhacdada Muuqaalkan facebookga dhex wareegaysaa maanta maaha, shalayna maaha balse waa maalintii Sabtidii. Askariga waxaanu Isu maan-Dhaafnaynay Arrin Aan U Arkayey Inay Gef Igu Tahay, Waayo Gaadhigayga oo barxad”Parking” yaalla ayuu igu yidhi ka qaad Madaxweynihii baa soo marayee. Anna waxan ku idhi “madaxweynuhu jidadka ayuu maraa balse halkan Parking ah lama maro oo sabab aan uga qaadaa ma jirto.” Dabadeena furaha ayuu iga qaatay inuu i xidhayana waa iigu Hanjabay. Hadalkii baa naga taagtaagmay balse dadweynihii meesha joogay ayaa na soo dhex galay arrintiina halkaas bay ku dhammaatay. Dadweynahaas na dhex galayna cissi iyo karaamaan u hayaa, waanan u mahad celinayaa. Allaha ilaaliyo iyaga iyo ummadeena oo dhanba.

Warka kale ee aan arkayo ee leh “Weedhsame waa waa la xidhayna” waa war aan sugnayn oo sal iyo raad toona lahayn. Waqti xaadirkana ma xidhni, waase la i xidhi karaa haddii aan xad-gudub iyo gef sameeyo oo qofna sharciga kama sarreeyo, in dadku u sinnaado sharciguna waa waxa aanu hadh iyo habeen rabno ee aanu xukuumad kasta ku dhaliilayno.

Ciidamada dirayska sidaa xurmo iyo qaddarin bay ka mudan yihiin Aniga iyo qof kasta oo shacabka Somaaliland ka mid ahba. Ciidanku Waxay habeen oo dhan dhaxanta u taagan yihiin, dharaar oo idilna milicda heeggan ugu yihiin, waa sugida ammaanka iyo ilaalinta nolosha shacabkooda, iyaga oo aan adduun iyo xoolo badan aanay ku helin.

Sidoo kale, shacabkuna xaq waxay u leeyihiin in aan la bah-dilin, la handadin, loo cago-jugleyn, xuquuqdooda muwaadinnimana aan meel lagaga dhicin, sharafkoodana la dhawro.Ayuu yidhi Abwaan Weedhsame.

COMMENTS
LINKS