DAAWO;-Maareeyaha Warshada Daqiiqda Ee Boodhari Mills Oo Ka Warbixiyay Halka Ay Marayso Dhismaheedu! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Maareeyaha Warshada Daqiiqda Ee Boodhari Mills Oo Ka Warbixiyay Halka Ay Marayso Dhismaheedu!
November 5, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)- Maareeyaha Guud ee Wershadda Wax-soo-saarka Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha ee Boodhari Mills, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo maalgeshiga iyo Dhismaha Wershaddan oo nooceedu ku cusub yahay Somaliland, taas oo laga hirgeliyey deegaanka Abaarso ee Duleedka Galbeed ee magaalada Hargeysa.

Boodhari Mills oo ah Shirkad saamiley ah oo ay maal-gasheen muwaadiniin u dhashay Somaliland oo ku kala dhaqan daafaha dunida, ayaa dhawaan heshiis la gashay qaar ka mid ah beeralayda Somaliland oo ay ku caawiyeen qalabka wax-soo-saarka dalagga iyo siidhka Qamadiga, kuwaas oo dabooli doona baahida wax-soo-saar ee Wershadda.

Haddaba, waxa aanu Muuqaalka Hoose idiinku soo gudbinaynaa Waraysi dhinacyo kala duwan oo telefishanka HCTV la yeeshay Maareeyaha Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur Odowaa.

https://youtu.be/3HSdbTSoZ1k

 

COMMENTS
LINKS