Muxuu Gaashaanle Dhexe Maxamed Daahir Jibriil (Sharbi) Ka Badali Karaa Tabashooyinka Gobolka Awadal? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Gaashaanle Dhexe Maxamed Daahir Jibriil (Sharbi) Ka Badali Karaa Tabashooyinka Gobolka Awadal?
November 22, 2019 - Written by Wariye:

Hargeisa(Wajaale News): Maxamed Daahir Jibriil (Sharbi) Waa Gaashaanle dhexe oo ka tirsan Ciidanka qaranka Jamhuurida Somaliland kuna sugan Jiida hore ee gobolka Sool, gaar ahaan Deegaanka Tukaraq, wa hogaamiye Ciidan.

 

Gaashaanle dhexe Sharbi waxa uu heerka koowaad ku qaatay Jamacad (Diploma Ethiopia) Oo ahayd (layli sargaal) kuliyadda tababarka saraakiisha ciidamada Haylam Areeya 9/20/2005 ilaa 11/8/2008 ku soo dhamaystay Heerka Aqoonta (Diploma,Degree,Master) Dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia.


Mr. Sharbi waa nin karti badan oo dedaal badan galiyey Ciidamada Qaranka Somaliland waxaanu waqtigiisa galiyey sidii qarankiisa ugu shaqayn lahayn. Waayo waa nin Tabac iyo Waqti badan galiyey sidii uu aqoontiisa u gaadhsiin lahaa heerka ugu saraysay ee darajada Ciidan nimo waxa kale leeyahay Aqoonta Ciidan-nimo ee Combine army academic taasi oo ku soo bartay Awash, Ethiopia ) 1/2/ 2010 ilaa 1/2/2012 intaa kuma eekayn ee waa uu sii watay dadaal badan ka dib waxa uu ku guulaystay inuu wax ka barto Military staff collage and commandant 9/20/2016 ilaa 8/15/2019.


Gaashaanle dhexe Sharbi Waa Sarkaal ay dhamaystiran tahay aqoontiisa aqoontiisa asaasiga ah waxaanu ku soo qaatay Waxbarashadiisa Asaagiga ah dhamaanteen Magaalada Hargays yaraantiisii isagoo ka soo baxay Dugsiga dhexe alfdoon 6/ 1/2001, Hadaba waxa uu wax ku dhexbartay ciidanka qaranka Jammuuriyadda Somaaliland waxaanau wax isku baray iskorisnimo, taasi oo keentay inuu noqdo nin Musuul ah oo dad isku wad leh.

Gaashaanle Dhexe Sharbi waxa uu kaalinta koowaad ka galay aqoontii kala duwanayd ee ciidanka oo uu ku baranayay dalka itoobiya waxa uu noqday sarkaalkii igu sareeyay ciidankii ka kala socday dalalka afrika.

Waxan bilad sharaf gudoonsiiyay raysalwasaraha dalka itoobiya Abby Ahmed iyo masuuliyiinta ugu saraysa dalka itoobiya.

Sidoo kale waxa shahaado sharaf gudoonsiiyay madaxwaynaha jamuuriyada somaliland mudane muuse biixi cabdi oo ku qaabilay qasriga madaxtooyada.

Waxuna ka soo bilaabay meel adag iyo duruufo aad u qalafsan oo wakhtigaasi la soo darsay,waxa mararka qaarkood uu wax ku akhriyi jiray ifiinka dayax iyada oo aanay noloshu u saamaxayn in uu helo,jawi ka duwan kuu ku nool yahay.

Waxay mudooyinkii ugu dambeeyay cabashooyin ka soo yeedhaya gobolada bariga iyo galbeedka Somaliland halkaasi oo dadwaynaha ku dhaqani walaac wayn ka muujinayaan saami qaybsiga awoodaha qaranka oo ay ku doodayaan in aanay helin saamigii ay xaqa u lahaayeen.

Arrintani ayaa dhalisay in ay abuuraan muran siyasadeed oo gaadhay heerkii ugu sareeyay ee intii ay xukuumadani jirtay.

waxa gobolka awdal lagaga dhawaaqay urur jabhadeed oo lamagac baxday (CAWAALE) taasi oo bulshada reer somaliland ku abuurtay cabsi, Sidoo kale waxa hore jabhad ugu dhawaaqay mid ka mid ah madax-dhaqameedka Gobolka Awdal (SULDAAN WABAR) oo isna soo bandhigay cabashooyin ku saabsan saami qaybsiga hase yeeshee waxa jira masuuliyiin kale oo aqoon maamul u leh sidii ay u hanan lahaayeen Kuraasta ay xaqa u leeyihiin kuwaasoo kaalin mugleh ka qaadan kara Cabashooyinka Bulshada reer Awdal.

Muxuu Gaashaanle dhexe Maxamed Daahir Jibriil (Sharbi) ka badali karaa Tabashooyinka Gobolka Awadal hadii loo Magacaabo Taliyaha ama Taliye ku xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland?

La Soco Qaybta Xigta

COMMENTS
LINKS