“Geeridu Waa Shayga Kaliya Ee la Hubo, Allaha U Naxariisto Inankeygii,Lakiin Waxa Raad Xun Oo Damqashadeeda leh Aan Kala kulmay Dhakhtarka Wayn Ee Hargeysa”Mustafe Sheekh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Geeridu Waa Shayga Kaliya Ee la Hubo, Allaha U Naxariisto Inankeygii,Lakiin Waxa Raad Xun Oo Damqashadeeda leh Aan Kala kulmay Dhakhtarka Wayn Ee Hargeysa”Mustafe Sheekh.
December 26, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Mustafe Sheikh Abuubakar Waa Muwaadin Reer Somaliland oo ku Dhaqan Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Oo Dhacdo Murugo leh kala kulmay Dhakhtarka Wayn Ee Magaalada Hargaysa Kaasi Oo Uu xaalad caafimaad Ukeenay Wiil Uu Dhalay oo markii Danbe Xaqii ku yimid Isaga Oo Kala kulmay dhacdo murugo leh  iyo Hagardaamo. Cisbitaalka Guud Hargaysa Xili uu la taxaalayay xaalada caafimeed ee uu ku Sugnaa Wiilkiisu.

Mustafe Sheikh Abuubakar Oo ka Waramaya waxa uu kala kulmay Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargaysa Ayaa udhignayd Sidan;

“Dadku Wuxu ku Noolyahay Neecowda Weeyee, Ma Noolaado Ruuxay Iska Taagto Neeftuye, (Abwaan Cabdi Aden Qays)

Geeridu Waa Shayga Kaliya Ee la Hubo, Allaha U Naxariisto Inankeygii Marnaba Wakhtigiisa Muu Dhaafeen, lakiin Waxa Raad Xun Oo Damqashadeeda leh Aan Kala kulmay 21/December/2019 Hargeysa Group Hospital,Waxan keenay Inankeyga AUN 6.30 Fiidnimo Isagoo Aad u Xanuunsanaya Islamarkaasna Ay Ku Xidhan tahay Oxygen Uu lahaa Ambulance Private ah Kadib Markii Ampulancekii Cusbitaalku Uu Igu Qaatay 3 saac Helitaankiisu,Markii aan Keenay Cusbitaalka Qaybta Emergensiga Wuxu Dhakhtarkii Heegan Ku Jiray Ii Sheegay in Xaalada Inanku ay ka soo rayn doonto lakiin uu caawa u baahan yahay 3 Haamood Oo Oxygen ah, Cusbitaalkanaanay Ku haynin wax oxygen ah,

Waxan Weydiiyey Goobta Laga heli karo ,wuxuu Dhakhtarku Ii Sheegay in dadku ay Meel Private ah Ay Ka soo Iibsadaan,Waxanu Ii Tilmaamay Goob ku taala kantroolkii hore Ee Galbeedka hargeysa,Gaadhi Ayaan qaatay 730 PM ayaan goobtii gaadhay, waxa jooga inan washman ah wuxuu ii sheegay Telefoon uu hayo Masuulka Xaruntani,waan lahadlay waxanan ku idhi qof aad u xanuunsanaya ayaan oxygen u doonayaa wuxu I waydiiyey Weel faaruqa ma sidataa,waxan idhi maya,waxa kale oo uu I weydiiyey Cusbitaalkee ayuu ku jiraa Bukaanku Waxan Ku Idhi Hargeysa Group Hospitaal,Wuxu Iigu Jawaabay Cusbitaalkaasi Weel Hore ayaa Nagaga Lumay Oo Idin sin kari Mayno Weel kale, waxa 8 fiidnimo la Iga soo wacay Cusbitaalki Iyadoo la igu Wargaliyey in Xaaladii Inanku ka sii Darayso Maadaama ay Dhammaad ku Dhawdahay Haantii Oxygenta ahayd ee ku xidhay ee uu lahaa Ambullanceka Privatku, Ninkii xarunta Oxygiintu oo Aanu telefoon uun ka wada xidhiidhaynay, 2 saacadood oo telefoon ka dib wuxu naga ogolaaday in aan qaadano oxygenation 260dollar oo deebaajiga Haantana Zaad ayaan ugu dirnay Waxan ku soo Noqday 9 habeenim Qaybtii ICU Wardka Inankii oo ay naftu Ka baxday, la dib markii ay Oxygentii Ambulancka privatku ka dhammaatay, AUN

Inankayga Cidna Uma Haysto Geeridiisa Oo Wakhtigiisa Marnaba Muu Dhaafeen Balse Waxa Xusin suldan Xaaladda uu ku suganyahay Cusbitaalkii Qaranku, 11 toban sano ka hor Wakhtigii xukuumaddii Daahir Rayaale Ayaan ku hayey qof Bukaan ah Waxan Ogaa Xarun wayn oo oxygenta oo ku hextall Cusbitaalka, Dhammaan Cusbitaalada Gaarka loo leeyahay Waxa oxygenta loo Qaadi jiray Cusbitaalka, hadaba Shacab iyo xukuumadba miyaanay Ceeb Qaranka ku ahayn in Cusbitaalkii Guud oo Madaxtooyada u jira In ka yar 300mitres in Oxygen laga waayo, billaahi Caleykum haddii xataa ogygen loo waayo bal Haama faaruqa oo goobaha gaarka loo leeyahay lagaga soo shubto haloo helo, waxa kale oo Xusid mudan Markii uu inanku geeriyooday waxan jeclaystay in Meydka aan Cusbitaalka ka Qaado oo aan Gurigii geeyo si aan u gudo galo Aaskiisa,Balse 2 saacadood ayey igu Qaadatay Raadintiisii Aakhirkiina Madaxii Heeganka Cusbitaalku wuxu I horkeenay Dirawalkii Ambulancka waxana uu igu yidhi La hawshii Dirawalka,Diyaar ayaan u ahaa in aan waxkasta ku bixi si aan Mar uun uga baxo meesha,

Balse dirawalkii wuxu igu yidhi Anigu gaadhiga aan ku Qoranahay waa bilaa taayiro oo melina kuma gaadhsiinayo,balse gaadhiga hardtopka ah ayaan kuu soo kirayni, Balse dirawalkii Wuxu joogaa Gurigiisii oo Ku taala Calaamada Ee Gaadhi keen aan kuu soo Qaad,Markuu Xaalku Noqday Ila Meerayso Ayaan la Hadlay Dirawalkii Ambulanceka Privatka 10 minid gudohood ayuu iigu yimid isagiibaanan ku Qaadey igamana aha mid aan CID gaar ah ku dhalleecaynayo, lakiin Qoraalkaygu Waa Iga Talo Soo Jeedin Iyo In Dadku Ogaadaan Xaalada Dhabta ah Ee Ka Jirta.

AABAHA DHAKHTARKA GUUD EE HARGAYSA DHACDADA MURUGADA LIHI KALA KULMAY MUSTAFE SHEEKH ABUUBAKAR.

COMMENTS
LINKS