Loolanka Loogu Jiro Buuxinta Kursiga Gudoomiyaha Guurtida Oo Soo Ifbaxaysa Iyo Xil/Suldaan Ismaaciil Oo Shaaciyay Damaciisa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Loolanka Loogu Jiro Buuxinta Kursiga Gudoomiyaha Guurtida Oo Soo Ifbaxaysa Iyo Xil/Suldaan Ismaaciil Oo Shaaciyay Damaciisa!
January 31, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) ayaa si hoose Usheegay In Uu iska Casilayo Xilka Gudoomiyaha Golaha Guurtida Sobobo Isaga Ugaara.

Sidoo kale gudoomiye Saleebaan ayaa la filayaa in uu Golaha Guurtida sii Maca salaameeyo 08/02/2020 Oo Kal fadhiga golaha guurtida Somaliland furamayo iyadoo sida xoguhu tibaaxeen ay sheegayaan in uu golaha Horkeeni doono iscasilaadiisa si ay uga aqbalaan.

Hadaba tan iyo intii ay soo ifbaxay isacasilaada Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Waxaa Dhanka kale Marba Marka Ka Danbaysa Isoo taraya Xubnaha doonaya in ay buuxiyaan Xilka Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland.

Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo kamid ah Mudanayaasha golaha guurtida ayaa kamid ah xubnaha sida cad ushaaciyay in uu usharaxan yahay gudoomiyaha golaha guurtida.

Sidoo kale Waxaa iyana soo fibaxaya Xubno kale oo golaha Guurtida Katirsan Oo Damac Kaga jiro Kursiga gudoomiyaha Golaha guurtida wallow Aanay Wali si cad Usoo Shaacbixin Doonistoodu.

Xildhibaan Suldaan  Ismaaciil Suldaan Cadiraxmaan ayaa kamid ah Mudanayaasha Ugu cad cad golaha guurtida isagoo marwalba golaha ka dhex jeediyay Doodo iyo su,aalo uu masuuliyiinta xukumada ee ay golaha la kulmaan waydiiyo kuwaasi oo ku saabsan baahiyaha bulshada sida, adeega laydhka ee shacabka ku qaali ah. Dhabta bulshada ka haysata Maxkamadaha iyo Gorsoorka dalka iyo Arimo kale oo muhiim ah ayaa wakhtigan shaacinta  murashaxnimadiisa gudoomiyaha golaha Guurtidu kusoo beegmaysa Wakhti Uu Dalka Somaliland ay ku  Gadaaman Yihiin duruufo badan oo u baahan in Doorkii Lagu Yiqiinay golaha Guurtida la helo iyo Masuul Dayar oo Dar Dargalin kara  Shaqada Golaha.

Skastabaha ha ahaatee waxaa maalmaha soo socda laga war sugidoonaa halka ay uu sal dhigto iscasilaada saleebaan gaal iyo damaca xildhibaanada doonaya in ay utartamaan gudoominimada golaha guurtida iyadoo aan wali ayna soo bixin qorshaha xukuumada madaxwayne biixi ay usoo gasho kala xulashada xubnaha utartaramayo gudoomiyaha golaha guurtida

Hore ayaa waxaa udhacday wakhtigii xukuumadii daahir riyaale ay daba ka keentay gudoomiyaha wakhtigan xilka banaynaya iyadoo ka lahayd dano siyaasadeed taasi oo keentay in golaha guurtidu noqdo mid fadhiida balse waxaa la eegi doonaa doorka ay iyana ka ciyaarto xukuumada madaxwayne biixi iyo saamaynta ay golaha ku yeelato doonisteedu!

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS