Damaca Xukuumada Madaxwayne Biixi Ee Ku Aadan Heshiishkii Shirkada Somcable, Ma Waxey Isu Baddeshay Sheekadii Good Iyo Abees! (Faallo). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Damaca Xukuumada Madaxwayne Biixi Ee Ku Aadan Heshiishkii Shirkada Somcable, Ma Waxey Isu Baddeshay Sheekadii Good Iyo Abees! (Faallo).
March 9, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Waxaa Labadii Maalmood ee u Dambeeyay, Caasimada Somaliland ee Hargeysa Goobaha lagu kulmo, Huteeladda Waaweyn, iyo guud ahaanba inta bar kulanka u ah Dadka Siyaasada iyo Isbadelka Somaliland falanqeeyaa ay si aad ah u hadalhayeen, Qorshe Cusub oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu quus-gooyay Saaxiibkiisii Bud-dhiga u ahaa ololaha Dheer ee uu Ku Fuuley Kursiga Tallada Dalka ugu Sareeya,

Heshiishka shirkada somcable ay la gashay xukuumadii Axmed Siilanyo Ee Mudada 25sano ahaa,Balse ay ku laaleen golaha wakiiladu oo iyagu ah golihii hore u ansixiyay heshiishkan,kaasi oo jabintiisa ay gadhwadeen ka ahayd xukuumada Madaxwayne Biixi, iyadoo labada gole ee guurtida iyo wakiilada waxka badalkiisa lagu mariyay deg deg, halka ay shirkadaha isgaadhsiintu ku bixiyeen lacago xadh dhaah ah oo xildhibaanada lagaga badashay fulinta qorshaha Madaxwaynuhu gadh wadeenka Ka yahay iyadoo lagu xad gudbay heshiishkii shirkada somcable iyo maalgalintii ay ku samaysay dalka.

Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi oo ah Mulkiilaha Shirkada Somcable Haseyeeshee, Aan kali ku aheyn Ganacsigaasi balse  leh ganacsiyo kale oo ka Shaqeeya Caalamka.

Inkastoo Shacabka Reer Somaliland Guddo iyo Dibadba Mucaarid iyo Muxaafidba kawada Dharagsan yihiin Doorkii Ganacsadahani ku lahaa Doorashadii u Dambeysay ee Madaxtooyadda Somaliland oo uu ka badheedhay, in uu Dhaqaale, iyo Talaabo uu ku Taageero Murashaxnimadiisii, iyo Intii ka horeysay iyaddoo ay jirreen Turxaan-bixin farra baddan Oo Uu ololaha ka hor Madaxweyne Biixi ugu gogol xaadhay Siyaasiyiin baddan, Aqoonyahan,Haldoor, Madax-dhaqameed Iyo Rag Door ah oo ay Soo Wadaageen Halgankii SNM balse ay ku kala aragti duwanaayeen Mabaa,diida iyo Nidaamka looga Baahan yahey Hogaaminta Mustaqbalka kuwaas oo uu iyagana Sigaar Odaxdda uga gurey,isagoo marba sida ay hawshaasi ugu qabsoomayso gees kasta ugaga soo wareegayay laakiin inta ugu baddan ku xaliyay Dhaqaale aan laheyn Qiyaas iyo hagar Midna.

Qoddobada uu Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi ku Geedi-Galiyay Murashaxnimadii Madaxweyne Biixi Waxa safka hore kaga jirra mid hal-xidhaale ku noqonaysa Talaabadda Madaxweynuhu kaga Daneystey, Qorshihii Xadhiga Somcable,Tusaale ahaan Murashaxnimaddii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ee Dagaalka lagaga dhex furey Xisbiga Ucid Dhexdiisa, haddana Mar kale lagu soo Sanduleeyay in uu barbar Istaago oo ka qeyb qaato Dhismihii Madaxnimada ee Madaxweyne Biixi iyadoo, ay jirreen Siyaasiyiin kale, oo iyaguna damac lahaa laakiin sidaa si lamid ah loo soo dabaaley Sida Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Rag kaleba.

Sikasta oo ay arimahaasi yihiin Waxa ay Su,aal baddani ka joogtaa Marba haddii hore loo soo arkey Badheedhihii Ganacsade Maxamed Aw Siciid, Maantana si cad loo arkayo Badheedhaha Madaxweynaha Ee isaga ku Aadan, halkeebaa loo Sibirr-saarayaa Ma Barasho Cusub oo labadooda u bilaabantey,Baa mise waxay u eeg tahay Qisadii ‘Good Iyo Abees’

Talaabada iyo Go,aanka uu ka qaato Ganacsade Maxamed Aw Siciid ayaa koley ah Mid muhiimad kale u Noqoneysa Dadkii faraha badnaa ee Doorashada Madaxtooyada In loo Cumaamado Madaxweynaha Maanta Muuse Biixi Cabdi ku qaatey,Dedaalkii uu isagu(Ina-Aw Siciid) u Galley si ay uga qiyaas qaataan halka uu Saldhigo Qorshahan sida aadka ah loo hadalhayaa.

‘Siddaan Damacsanaa iyo Sida Dooni Yeellaa Kala Durugsanaatoo’.

Gabagabadii, marba haddii Heshiiskan Cusub ee Xeerka Isgaadhsiinta oo Wax laga Badelay yahey Mid ay Ku Shuraakoobayaan Qaar kamid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ee Ganacsatada ah iyo Xukuumaddu miyaaney aheyn in Madaxweynuhu ka Shaqeeyay in uu Kafankiisa Tollay Ninkii Kabhiisa Soo tollay, Waxaase dareen badani dul-hoganayaa sida Madaxweynuhu Taageero dambe uga Filan doono Beelaha uu kasoo Jeeddo oo kaga Tusaale qaadanaya sida uu u Sadqqeeyay Ganacsade Geedi haddaanay u Qorsheysneyn in uu Laabay Kitaabkii hore ee Shacabka Somaliland ku Xidig eeganayeen, Waxaan kusoo koobayaa Faallada shabakada wararka ee  Wajaalenews, balse aynu ka Dhursugno Talaabada Ganacsade Maxamed Aw siciid kaga go,aan qaato Heshiiska Cusub ee Shuraakada Madaxweynaha iyo Ganacsatada Dhigiisa ah. 

HALKAN KAGA DAAWO QISADII GABAYGII GOOD IYO GUULEED EE ABWAAN AADAN TARABI;

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS