Siyaasadii Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Horseeday Kala Qaybinta Jufadiisa Hoose Iyo Saamaynta Hadalo Iska Soo Horjeedo Oo Ay Warbaahinta Isku Mariyeen 48 Sacadood Ee UDanbeeyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasadii Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Horseeday Kala Qaybinta Jufadiisa Hoose Iyo Saamaynta Hadalo Iska Soo Horjeedo Oo Ay Warbaahinta Isku Mariyeen 48 Sacadood Ee UDanbeeyay!
March 24, 2020 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo technolajiyada jsl Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil ayaa ah Masuulka kaliya ee xilka Wasiirnimo ka haya Xukuumada madaxwayne biixi Ee Kasoo Jeeda Gobolka Gabiley.

Wasiir Cabdiwali oo shacabka reer somaliland iyo guud ahaan Bulshada gobolka gabiley Uhanwaynaayeen kana  qabeen in uu yahay masuul aqoonyahan oo qaranka wax kusoo kordhinaya islamarkaana sifiican uxidhiidhiya shacabka gobolka gabiley iyo xukuumada madaxwayne biixi ee ay taageerada balaadhan la garab isgaateen ayaa wakhtigan waxaa kasoo ifbaxay dhaqano ugub ku ah gobolka gabiley kuwaasi oo horseeday in uu khilaaf culus soo kala dhex galo isaga iyo jufadiisa hoose kadib markii lagu eedeeyay in uu xabsiga utaxaabay ganacsato iyo odoyaal jufadiisa hoose kasoo jeeda oo mudo ku xidhan xabsiga magaalada gabiley.

Xadhiga odoyaasha iyo ganacsade ay isku jufo hoose yihiin ayaa waxaa ka dhalatay khilaaf iyadoo habeenkii xalay ahaa ay warbaahinta ka hadleen odoyaal iyo xildhibaano jufadiisa hoose ah oo wasiirka ku eedeeyay xadhiga odoyaasha iyo ganacsadaha iyagoo sheegay in uu ka dhex wado khilaaf iyo u adeegsi awood dawladeed,

Waxgaradka iyo xildhibaan kamid golaha deeganka gabiley ee warbaahinta la hadlay ayaa wasiir ugu baaqay in uu ka dhex baxo arimaha dhaqanka ee beeshiisa hoose.

Dhanka kale odoyaashan wasiirka eedaha ujeedyay ayaa madaxwaynaha somaliland ugu baaqay in uu ka qabto wasiirka oo ay sheegeen in uu horgale ka dhigtay xildhibaan cabdilaahi black oo isla jufo hoose ay isku yihiin balse aan wax samayn ah ku lahayd beesha mudadii uu xildhibaanka golaha wakiilada ahaa oo gaadhaysa 10sano aanu waxba uqaban beeshii uu kasoo jeeda iyo deegaanadeeda,

Sidoo kale waxaa isla maanta warbaahinta wasiirka isgaadhsiinta ka difaacay eedaha ay ujeediyeen odoyaashaa hore qarkamid ah odoyaasha ay isku jufada hoose yihiin

Arinta ay ku kala qaybsameen jufada hoose ee wasiirka isgaadhsiinta (gaar ahaan beesha reer xaad cali) ayaa noqotay mid fajac iyo amakaag ku noqotay guud ahaan shacabka gobolka gabiley taasi oo aanay hore udhicin mudadii ay xilalka hayeen wasiiradii ka horeeyey ee kasoo jeeday gobolka taasi oo dhanka kale banaanka keentay siyaasada socod baradka ah ee wasiirka isgaadhsiinta oo tahli kari waayay in uu xaliyo arimaha ka dhex taagan jufadiisa hoose iyo deegaanka geed balaadh iskadaa guud ahaan in uu ka warhayo xaalada gobolka gabiley e,

Sikastabaha ha ahaatee ficilada iyo siyaasada wasiir cabdiwali ayaa wakhtigan umuuqata mid banaanka keentay in uu ku haftay  masuuliyadii uu u hayay xukuumada madaxwayne biixi halka aan la saadaalin karin cawaaqib xumada ka dhalan karta khilaafka culus ee wakhti xaadirkan a dhex aloosan jufadiisa hoose oo u kala jabtay laba qaybood oo midna eedo ujeediyay midna difaacayo taageeranala barbar istaagay,

tan iyo intii ay soo ifbaxday eedaha loo jeediyay wasiirka isgaadhsiinta ee ah in uu xabsiga gabiley utaxaabay odoyaal beeshiisa ay ayaa waxaa dadka reer somaliland ee sida dhow ula socdaa siyaasada iswaydiinayeen wasiirka tahli kari waayay in uu mideeyo jufadiisa hoose maka midho dhalin doonaa waxyaabihii uu balan qaaday in uu wasaarada isgaadhsiinta ka hirgalinayo ma fulin doonaa kuwaasi oo mudadii uu xilka hayayba tiroba dhowr jeer uu sheegay in uu wado qorshe uu ku midaynayo telefoonad gacanta ee shirkadaha isgaadhsiinta oo bulshada dhibaato wayni ka haysa wada hadal la,aantooda iyo sidoo kale qalab lagu ogaanayay cashuurta ku waajibta shirkadaha isgaadhsiinta oo wali bulshada ka sugayso waxaase laga dhursigi doonaan halka uu biyo dhigtay kala qaybsanaan uu wasiirka isgaadhsiinta ka dhex istaadhay jufadiisa hoose iyo talaabada ay xukuumada madaxwayne biixi ka qaado dhacdooyinka ugubka ah ee wasiir cabdiwali ka ibo furay gudaha jufadiisi hoose ee uu kasoo jeeday.

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF.

COMMENTS
LINKS