Abwaan Sacad Gadhle Oo Curiyay Gabay Cusub Oo Uu Kaga Hadlayo Xanuunka Dunida Ka Yaabiyay Ee Covid19. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Sacad Gadhle Oo Curiyay Gabay Cusub Oo Uu Kaga Hadlayo Xanuunka Dunida Ka Yaabiyay Ee Covid19.
April 22, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Sacad Xaaji  Maxamuud Gadhle oo ka mid ah hal abuurka reer Somaliland ayaa tiriyay maanso cusub oo uu kaga hadlay xanuunka dunida ka yaabiyay ee Coronavirus

Ugu Horayn Waxuu gabayga Abwaanku ku xusayaa Awoodda Alle Swt,marka xiga waxuu Abwaanku ummadda muslimiinta Alle uga baryayaa in Alle ka badbaadiyo Cadaabka Alle. Marka saddexaad waxuu Abwaanku kaga waramayaa Xanuunka dunida ka yaabiyay ee sida gaarka ah u haleelay wadamadii aduunka u sheegan jiray awoodda iyo cududda milatari,aqoonta iyo xadaaradda isagoo xanuunkani bannaanka soo dhigay in guud ahaan aanu Awood lahayd. Ugu dambayn waxuu Abwaanku Alle uga baryayaa in uu Ummadda Muslimiinta in uu Alle ka badbaadiyo Xanuunka iyo dhibtiisa .

 

Xuska gabayga yuusufow xaqaa lagu bilaabaaye

 Xikmadaadu Eebow aday xeelad dheer tahaye

Xaqsoorkaagu Eebow aduu xubina dhaafayne

Xagii loo dhaqaaqaba Allow xaadirbaad tahaye

Xallimow Allahayow adigu xaakimbaad tahaye

Xayun baaqi adigaa ahoo xogi ka dhaafayne

Maalintay xisaabtiyo timaad xaalad laga giigo

Allow xagii nabiga na mari xaakimbaad tahaye

Allow naar naga xoree xaakimbaad tahaye

Afartaa xareedii murtda xulashadaedii dheh 

Xiisadii abwaankiyo murtida xarakadeedii dheh

Xarafkii suldaaniyo macnaha xaragadeedii dheh

Xaddaaradii la sheegtiyo la waa xaraf aqooneede

 Xulka dunida ragii sheegan jiray way xarbiyayaane

Ummaddaa xujowdoo baasow waa la xalayaaye

Mar hadii xagaafkii ku dhacay xaaqme gabigoode

Xurmo beele bulshadii dunida xeeladayn jiraye

Xigto miiska ummaddii taqaan waa la xugayaaye

Gabadhihii xijaabnaa Eebow way xaqirayeene    

Xulka dunida ragii sheegtay xaabo dhoosh noqoye

Xuuraanka nimankii yaqiin xaraf ma sheegaane 

Allahayow xakiimow baryaan kuu xawilayeeye

Dunidii xanuunbaa ku dhacay xaaqay gabigeede

Muslinkiyo xigaalkaba allow dhaafi xumadiisa

Muslinkiyo xigaalkaba Allow dhaafi xanaftiisa

Afartaa xareedii ducada xulashadaedii dheh 

Xiisadii abwaankiyo murtida xarakadeedii dheh

Xarafkii suldaaniyo macnaha xaragadeedii dheh

Xulka dunida nimankii noqdee laga  xishoonaayay

Xidhiidhkii gumaystaha ragii loogu xilanaayay

Xaqiraada kuwii nagu hayee nana xajiimeeyay

Xoriyadda ragii bixin jiree lagala xaalaayay

Xariiqyada nimankii dhigee kala xadaynaayay

Xayiraadda ragii saarayee xaalad galinaayay

Boqorada xajiinta leh ragii nagu xanaaneeyay

Xumahay sameeyaan raguu uunku xanaaqay

Afartaa xareedii murtida xulashadaedii dheh 

Xiisadii abwaankiyo murtida xarakadeedii dheh

Xarafkii suldaaniyo macnaha xaragadeedii dheh

 

 

COMMENTS
LINKS