DAAWO;-Muuqaalka Wajaale Magaalo Xabaalaha Iyo Goobta Qashinka Lagu Daadiyaa Meel Ku Wada Yaalaan + Dhibta Shacabka Ka Haysata Iyo Dhug La,Aanta Maamulka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Muuqaalka Wajaale Magaalo Xabaalaha Iyo Goobta Qashinka Lagu Daadiyaa Meel Ku Wada Yaalaan + Dhibta Shacabka Ka Haysata Iyo Dhug La,Aanta Maamulka!
May 9, 2020 - Written by Editor:

Wajaale Magaalo Xabaalaha Iyo Goobta Qashinku Meel Ku Wada Yaalaan Iyo Dooda Shacabka Iyo Daawashada Maamulka!

TOG WAJAALE(W,N)-Magaalada Tog Wajaale oo ah magaalo ay Ku Dhaqan Yihiin boqolaal kun oo shacab ahi ayaa waxaa ka Taagan dhibaato wayn oo shacabka ka haysata xabaalaha dadka lagu aaso iyo godka lagu daadiyo qashinka magaalada Oo meel qudha kuwada yaala taasi oo dadka ku aasaya ehelkoodu khaati ay ka taagan yihiin urka kasoo baxay goobtan qashinka lagu daadiyo oo habeen iyo maalin ay ku xoonsan yihiin xayawaanka usoo qadhaab taga goobtan qashinka.

Sidoo kale Maamulka Magaalada tog wajaale ayaan iyagu wax qorshe ah ka lahayn sidii xal loogu heli lahaa kala fogaynta godka qashinka iyo xabaalaha lagu duugo dadka maytida ah oo halkani tahay hoyga rasmiga ee qofkasta oo geeriyooda lagu aasayo, Halka maamulka degmada togwajaale aanay dhegba jalaq siinin dhawaaqa kasoo yeedhaya shacabka ee la xidhiidhka sidii look ala fogayn lahaa xabaalaha iyo qashinka.

HALKAN KA DAAWO; MUUQAALKA XABAALAHA IYO SIDA AY ISKU YIHIIN GODKA QASHINKU;

COMMENTS
LINKS