Halkan Ka Akhri; Maanso Baroor Diiq Ah Oo Abwaan Laabsaalax Ka Tiriyay Geerida Muj Xasan Guure. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri; Maanso Baroor Diiq Ah Oo Abwaan Laabsaalax Ka Tiriyay Geerida Muj Xasan Guure.
May 18, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Abwaan Xasan Dhuxul laabsaalax oo kamid ah hal abuurka reer Somaliland ayaa maanso katiriyay geerida muj xasan guure jaamac oo maalintii shalay lagu aasay magaalada hargaysa.

Abwaan xasan Dhuxul ayaa maansadani ku sifiyeeyay halyaynimadii, daqashada dareenka shacankiisu ay ku dheehnayd ee Marxuum Muj Xasan Guure Jaamac.

Halkan ka akhri maansadan oo Dhamaystiran;

Mar Haduu Galbaday

Xasan Guure tagay

Gabalbaa u Dumay

Gayigiyo Dadkoo

Waxa Galay xabaal

Garab Daar nin loo

Godob Aan ka Talin

Midhka Golaha yaal

Aan gees ka marin

Oon Gobol u xillan

Garashiyo runbaa

geeridu dishoo

hadii guurtinimo

oday lagu gartaa

jiray geeska bari

Nin waynbaa go,oo

Guud yimi xaqii

kuma gaadh ka qaban

danta guud hadeer

genayoow dadkani

Loo qoday godkee

Geesigoodu yahay

nin ilaah ka go,ay

Garab yaa u noqo

mar hadii god galay

xasan guure tagay

Maatidan godoban

Gobood Yaa u Noqon

Yaa Guri midhaha

Yaa u Waabi geed

Yaa tilmaanta guud

gaadhsiin bulshada

Yaa ka guban dhibtiyo

Wixii gaadhayoo

Uga go,i hurdada

Abwaan xasan Dhuxul  laabsaalax

 

COMMENTS
LINKS