Dawlada Emaraadka Oo Xabsiga Utaxaabtay Ganacsade Somali Ah Oo Lagu Eedeeyay In Ay Xuutiyiinta Shidaalka Ka Iibiyaan+Kuwo Ay Ku Raad Joogto! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Emaraadka Oo Xabsiga Utaxaabtay Ganacsade Somali Ah Oo Lagu Eedeeyay In Ay Xuutiyiinta Shidaalka Ka Iibiyaan+Kuwo Ay Ku Raad Joogto!
May 10, 2020 - Written by Wariye:

DUBAI(W.N)- Dawlada Iskutaga Emaraadka Carabka Ayaa la sheegay in ay Xabsiga Utaxaabtay Ganacsade Soomali ah Oo lagu eedeeyay Shidaal uu Kasoo Qaato  dalkeeda in ay ka iibiyaan xuutiyiinta Yemen halka ay kuwo kale la sheegay in ay ku raad joogto.

p

Wararka laga helayo sobobta dawlada emaraadka  carabtu wakhtigan uxidhay ganacstada somalida ee dalkeeda shidaal kasoo iibsan jiray ayaa sheegaya in ay ku eedaysay in gancsatada oo marka ay shidaal kasoo qaataan sheega  in berbera la gaynayo ay dawladu emaraadku ku eedeysay in  dhexda laga leexiyo gaadiidka usoo qaada shidaal islamarkaana ay ka iibiyaan xuutiyiinta dalka yemen oo iyagu dagaal kula jira isbahaysiga sucuudiga.

Xogaha laga helayo qorshaha emaraadka carabtu ku daba jogaan ganansato somalida ah ee shidaal ka ganacsada ayaa intaa ku daray in ay xabsiga dubai ku xidheen ganacsade lagu magacaabo shariif Axmed kaasi oo ganacstada reer somaliland badi ushaqeeyeen qaarkoodna isaga gacan yare uyihiin kaasi oo safka hore kaga jira ganacsada somalida ugu  dhaqaalaha xoogan.

Dhanka kale wararka laga helayo dad ka ag dhow dhow  dawlada emaraadka carabta ayaa sheegaya in ay ku daba jiraan qaarkamid ah ganacsatada reer Somaliland oo looga shikisan yahay in ay shidaalka ka iibiyaan xuutiyiinta yemen kuwaasi oo ay ku jiraan ganacsato reer somaliland oo sida xoguhu tibaaxeenoo lala xidhiidhinayo in shidaal ay dib ugu iib geeyaan xuutiyiin  ay marka hore dalka emaraadka kaga soo qaataan in ay berbera gaynayaan kasoo balse lagu eedeeyay in ay xuutiyiinta ka iibiyaan islamarkaana xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo ganacsadaha lagu xidhay Magaalada dubai Ee loo haysto in uu shidaalka ka iibiyo xuutiyiinta Yemen, wallow aan si cad loo cadaynin eedaha ganacsatadan.

Talabaada la sheegay in ay dawlada emaraadku ku raad joogta ganacsato somali ah Eel ala xidhiidhinayo in ay xuutiyiinka ka iibiyaan shidaal ayaa hadii ay ganacsatada reer somaliland lug ku yeesheen waxay saamayn culus ku yeelan doontaa xidhiidhka ganacsi ee somaliland la leedahay wadamada carbeed oo iyagu ah halka kaliye ee somalidu wax kasoo iibsadaan, gaar ahaan Emaaraadka Carabta

WAJAALENEWS DESK

 

 

 

COMMENTS
LINKS