Dhammaadka Muddo Xileedka Kalidii Taliyihii Kalidii Cunaha Ahaa!!Qormada 2Aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhammaadka Muddo Xileedka Kalidii Taliyihii Kalidii Cunaha Ahaa!!Qormada 2Aad.
June 16, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Muddo Saddex iyo Afartan Sannadood ah ayaa laga joogaa waqtigii jamhuuriyadda Jabuuti xoriyadda ka qaadatay Gumaystihii Faransiiska,iyadoo taariikhdu ka marag kacayso in Gumaystihii Faransiisku si xeeladaysan talada dalka jamhuuriyadda Jabuuti ugu dhiibay Madaxwayne Xasan Guuleed Abti-doon oo Alle ha u naxariistee ka mid ahayn hoggaankii halgankii xornnimo doonka ee taariikhda aan la halmaami Karin ku leh jamhuuriyadda Jabuuti.Mar kale,waxaa xusid mudan in Madaxwayne Xasan Guuleed soo dhisay xukuumad tayo xun oo maxlal ah oo gabi ahaanba aanu ku soo darin hoggaamiyayaashii halgankii xornnimo doonka Jamhuuriyadda Jabuuti,isla markaana si toosa ugu adeegaysay danaha gumaystihii Faransiiska,sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka soo qayb qaatay halgankii gobonnimo doonka Jabuuti oo daafaha dunida qaxoonti ahaan maanta ugu nool .

Hadaba,tan iyo maalintaa Gumaystihii Faransiisku sida xeeladaysan madaxnnimada dalka Jabuuti ugu dhiibay Madaxwayne Xasan Guuleed, Ismaaciil Cumar Geele waxuu ka mid noqday qoyska reer Geele ee qoys ahaan kaalin muuqata ku yeeshay talada iyo go’aanada ka soo baxa qasriga looga taliyo Jamhuuriyadda Jabuuti ee Madaxwayne Xasan Guuleed ka talinayay muddo laba Iyo labaatan sannadood ah,iyadoo qoyska reer Geele ay ka talinayeen goobaha ugu Muhiimsan ee halbowlaha u ah dalka Jabuuti sida :- Biyaha,Dakadda iyo Korontada.

Muddo laba iyo labaatan sannadood ah oo Madaxwayne Xasan Guuleed Abti-doon dalka Jabuuti ka talinayay,hogaamiye kalidii taliye Ismaaciil Cumar Geele waxuu ahaa sarkaalka ugu sareeya Sirdoonka qaranka Jamhuuriyadda Jabuuti, dadka arimaha Maamulka iyo Siyaasadda Jamhuuriyadda Jabuuti sida joogtada ah ula socda oo maanta howl gab ah ayaa noo xaqiijay in kalidii taliye ismaaciil cumar Geele uu cabsi galin,ciqaab,xadhig sharciga baal-marsan,jidh dil,dhagaro qarsoon iyo kuwo muuqday uu u gaystay bulshada Samirka Dulqaadka Alle ku galaday ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Muwaadin Faransiis ah .

Sidoo kale,waxay taariikda ku xusan in kalidii taliye Geele si xaaraan ah hanti badan uga urursaday musuqmaasuqii ragaadiyay xukuumadii Adeerkii Xasan Guuleed Abti-doon,ka dib markuu muddo xileedkiisii ku soo gunaanaday xil gudasho la’aan,hoggaamin xumo iyo musuq-maasuq baahsan oo gaadhay heer ay shaqaalaha dawladdu iyo ciidamada jabuuti ay muddo Afar Bilood ah waayaan mushaharooyinkii ay shaqaysteen,halka waayo aragga muddada dheer ku noolaa Jabuuti ay ku tilmaamayaan kalidii taliye Ismaaciil Cumar Geele masiibo in  bulshada Jabuuti ciqaab ku ah .

Isku soo wada duuboo,waxaan qormada labaad ku soo gunaanadayaa tilmaamihii suubanayd ee wariyihii guud ahaan bulshada Afka soomaalida ku hadasha caanka ka ahaa Alle Ha U Naxariistee Axmed Xasan Cowke mar uu waraysi siiyay Universal Tv kagana waramay waxuu ku soo arkay Jabuuti,waxuu sheegay in uu Jabuuti ku soo arkay kulayl,kaneeco iyo kalidii taliye,isagoo hadal iyo waano xambaarsan ku soo gunaanaday Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele waxaanu yidhi “Dalku hortaana waa jiray dabadaana waa jiri doonaaye xilka ka dhaadhac“ sida laga soo wariyay.

Kala soco shabakadda wararka ee wajaalenews.net qormooyin taxane ah oo akhristayaasha ugu soo gudbin doono hadimooyinka kalidii taliye Geele u gaystay bulshada Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

 

COMMENTS
LINKS