Shirkada IHSAN AUDIT FIRM Oo Hawlo Shaqo Ka Wada Magaalooyinka Mugdisho Iyo Baydhabo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada IHSAN AUDIT FIRM Oo Hawlo Shaqo Ka Wada Magaalooyinka Mugdisho Iyo Baydhabo.
September 21, 2020 - Written by Editor:

BAYDHABO(W,N)-Masuuliyiinta Shirkada Ihsan Audit Firm ayaa Maalmihii ugu danbeeyay hawlo shaqo ku marayay Magaalooyinka Muqdisho Iyo Baydhabo ee Somaliya, halkaasi Oo ay kawado hawlo la xidhiidha baadhitaano xisaabeed oo ah mashaariicda ay bixiyaan haayadaha caalamiga ah.

Khuburo Ka Socota shirkada IHSAN AUDIT FIRM  Ayaa Waxay Hawlo shaqo ka wadaan magaalooyinka baydhabo Iyo Muqdisho deegaanada kamid Ah badhitaano xisaabeed( Audit Services)  mashaariic ay lacagteeda uu bixiyey Midowga Yurub EU . Oo ay fuliyeen hayado caalamiya iyo kuwa maxaliga ah ee Ka hawlgala somaliya .kuwaasi oo dabagal iyo hub lagu wado Sidii ay U fuliyeen.

Shirkada Ihsan Audit Firm  Oo fadhigeedu yahay Caasimada Somaliland Ee Hargaysa ayaa kamid ah shirkadaha ugu waawayn ee dhinaca Xisaabaadka Iyo Mashaariicda taasi oo hawlo shaqadeedu la xidhiidha ka fulisa guud ahaan deegaanada somalida.

IHSAN AUDIT FIRM Ayaa wakhti xaadirkan ah shirkadaha ay sida wayn shaqadeeda iyo hawlaha xisaabeed ee ay fuliso u Aamineen haayadaha caalamiga ah iyo shirkadaha ganacsig ee Gayiga somalidu.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS