Madaxwaynihii Hore Ee Jsl Axmed Siilaanyo Oo Beeniyay In Uu Xanuunsanayo,Sheegayna In Uu Dalka Deg Deg U Imanayo, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynihii Hore Ee Jsl Axmed Siilaanyo Oo Beeniyay In Uu Xanuunsanayo,Sheegayna In Uu Dalka Deg Deg U Imanayo,
October 5, 2020 - Written by Editor:

“Waxaan Joogaa Dalka Emaraadka Carabta, Waanan Caafimaad Qabaa, Waxan Leeyahay Dadka Markaan Meel Ubaxa Leh Madaxwaynihii Ayaa  Xanuunsana, Waxba Kama Jiraan Caafimaadkana Ilaahay Ayaa Haya” Madaxwayne Axmed Siilaanyo

DUBAI(W,N)-Madaxweynihi Hore Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” Oo ku sugan dalka Emaraadka Carabta ayaa  Beeniyay hadalkii uu madaxwayne muuse biixi ka Sheegay shirwaynaha Xisbiga kulmiye ee ahaa  in uu  Xanuunsanayo Aas Aasihii xisbiga kulmiye Axmed siilaanyo sidaana uu shirka kaga maqnaaday.

Hada Madaxwaynihii hore ee Somaliland ahna aas aasaha kulmiye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanu xanuunsanayn dalka uu si deg deg ah u imanayo isagoo fariin udiray dadka leh wuu Xanuunsanayaa

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

https://youtu.be/cwMItOsUW7o

 

COMMENTS
LINKS