Mudankii Uun’kow Udgoonaw Rasuulkii. Q/1aad..Salaahu Calayhi Wasalam. W/Q:Axmed Cali Kaahin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudankii Uun’kow Udgoonaw Rasuulkii. Q/1aad..Salaahu Calayhi Wasalam. W/Q:Axmed Cali Kaahin
November 1, 2020 - Written by Editor:

Sayidkii Uumiyaha, raxmadii dunida, hormoodkii mu’miniinta, kii u dhashay caawintee dhaqankiisuna quraanka ahaa, ee Samaawaadka lagu casuumayee, waxyigu hagaayaw. Salaahu Calayhi Wasalam.

Waa Nabiga ugu dadka badan maalinta qiyaame, waana ka ugu horeeya ee albaabka janada garaacaya, waa ergeeyaha koobaad, waa sayidka wixii aadam dhaloo dhan, sida Anas yidhi maan taaban xariir iyo diibaaj ka naciimsan gacantiisa iyo cambar ka udgoon carfigii  rasuulka Salaahu Calayhi Wasalm.

Siduu cibaado ugu fooganaa markii gomadihiisu dildilaaceen ee la yidh maad nasatid maadaama dambigaagii hore iyo kaagii dambeba la dhaafye waxa uu ugu jawaabay “Maanan ahaanayn adoon ka mahadceliya”. Hadalka wuu kala jarjari jiray, waxaanu ahaa mid aamusnaan dheer oo kalmada markuu yidhaa saddex jeer  ku celiya si loo fahmo.

Waxa Rabbi (swt) ku maamuusay xawd kaasi oo dhererkiisa bil la soconaayo, biyihiisu way ka cadyihiin caanaha, carfigiisu wuxuu ka udgoon yahay miskiga, hadda saxaabadiisa ayuu la gaajoon jiray mararka qaar isagoo sheegay in adduunyo iyo isaga aanay waxba kala galin, Salaahu Calayhi Wasalam taasina ahayd tilmaamaha cajiibka ah in uu la xaalad ahaa dadkiisa hogaamintaasi san iyo sansanaan wacan ku reebtay taariikhda.

Waxa uu aad u necbaa Beenta, waxaanu, canaantiisuna waxay ahaydba gacmahaagu boodhoob’ye, waxaanu yidhi waxaa la iisoo saaaray in aan ahaado Raxmad, wuu filasho wacnaa, baasaysigana muu aqoon magaca fiicanina wuu cajab galin jiray,

Cumara ibnu Caasiis wuxuu yidhi wajigiisa Salaahu Calayhi Wasalam ayuu iwada siin jiray isagoo ila hadlaaya, waxaan is odhan jiray malaha dadka aduu kuugu jecel yahay, taasi oo Saxaabi kastaa is odhan jiray malaha adduu kuugu jecel yahay. Waligii wax la waydiiyay maya muu odhan, haddii mayada ataxyaadku jirina waa kii gabyaagii lahaa mayadiisuna haa bay noqon lahayd.

Haddii wax la dooransiiyo waxa uu qaadan jiray ta fudud waligii, haddii aanay dambi ahayn wixii dambiya wuxuu ahaa ka dadka ugu fog, waligii naftiisa umuu aar’goosan, wax aan ahayn in lagu gafo xurumaadka xuduuda Rabbi Salaahu Calayhi Wasalam, mooyaane iyada wuu u aar gudi jiray.

Waligii gacantiisa cid kuma dhufan, Xaas, Shaqaale, isagoo u dagaalamaaya dariiqa ilaahay mooyaane, Anas wuxuu yidhi walaahi waxaan u adeegay sagaal sanadood “Waligii imuu odhan wax aan qaban waayay maxaad u qaban wayday wax aan qabtayna immuu odhan maxaad sidaa u tidhi, walaahi waligii hoh ima odhan”. Salaahu Calayhi Wasalam.

Waxaan kasoo ururiyay Kitaabka Shamail Muxamadiyah ee uu Qoray Maxamed Bin Jamiil Saynu. Waxa xigi doona Qaybta 2aad haddii rabi idmo.

 

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

Aakaahin@yahoo.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

COMMENTS
LINKS