Gudoomiyaha Degnada Allay Baday Oo Eedayn Usoo Jeediyey Xeer Ilaalinta Gobolka Gabilay Iyo Khilaaf Hor Leh Oo Ka Dhashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Degnada Allay Baday Oo Eedayn Usoo Jeediyey Xeer Ilaalinta Gobolka Gabilay Iyo Khilaaf Hor Leh Oo Ka Dhashay
April 24, 2014 - Written by Editor:

Gabiley(WJN)Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Md Keyse Maxamed Ibraahim (Keyse Meegaar) Ayaa Si Weyn Uga Gilgishay Ficil Anshaxa Dawladnimada Ka Baxsan Oo Uu Ku Talaabsaday Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Gabiley Oo Ay Ku Siidaayeen Da’uud Maxamed Awyoome Iyo Cabdikariin Cumar Cabdi Oo Ku Eedaysnaa Ku Xad-Gudub Dhul Dan Guud Ah,Kuwaasi Oo Uu Sheegay Inay Doraad U Soo Gudbiyeen Gabiley,Waxaa Ugu Baaqay Haayadaha Garsoorka Dalka Gaar Ahaan Kuwa Ay Khusayso Arintani Inay Si Deg Deg Ah Go,Aan Uga Soo Saaraan Talaabadaasi Foosha Xun Ee Ay Qaaday Xeer Ilaalinta Gobolka Gabilay Ee Ay Ku Sii Daysay Niman Ku Eedaysan Inay Dhisteen Garoonkii Gubada Carruurtu Ku Ciyaaraysay,Isagoo Intaa Ku Daray Inay Arintan Siidaynta Maxaabiista Allaybaday Laga Keeno Ay Laba Jeer Oo Hore Ku Talaabsatay Xeer Ilaalinta Gobolka Gabiley.

 

Gudoomiye Keyse Meegaar Oo Xalay Khadka Telefoonka Kula Soo Xidhiidhay Wargeyska Foore Ayaa Waxaa Uu Ka Cawday Xeer Ilaalinta Gobolka Gabilay Isagoo Sheegay Inay Ku Talaabsadeen Qorshe Amniga Wax U Dhimaya,Waxaa Uu Sheegay Inay Tiraba Laba Jeer Maxaabiis Laga Soo Gudbiyay Degmada Allaybaday Ay Si Badheed Ah U Siidaayeen,Waxaa Uu Sheegay Inay 8-Maxbuus Oo Ay Doraad U Gudbiyeen Ay Kala Saaris Ku Sameeyeen Oo Ay Laba Ka Mid Ah Sii Daayeen,Waxaanu Sheegay Inay Arintani Ku Soo Beegmayso Wakhti Aanay Degmada Allaybaday Lahayn Wax Jeel Ah Oo Maxaabiista Loo Gudbiyo. Isagoo Arintaa Ka Hadlayana Waxaa Uu Yidhi “ Gabiley Saddex Jeer Oo Hore Ayaan Maxaabiis U Soo Gudbiyay,Waxaa Dhacday Laba Jeer Oo Hore Maxaabiistii Sida Sharciga Ah Halkan Looga Gudbiyay Ee Baadhuhu Wixii Ay Kiis Lahaayeen Uu Qaaday Ayay Si Badheedh Ah Ay Xeer Ilaalintu U Soo Daysay,Ka Bacdi Markii Warbixintii Nagu Soo Noqotay,Aniga Xagayga Masuuliyad Ahaan Way Iga Degi Wayday,Waayo Degmada Allaybaday Malaha Jeel Lagu Xidho Maxaabiista Xukun Suga Ah,Sidii Caadiga Ahayd Waxaanu U Gudbin Jirnay Jeelka Gobolka Gabiley,Mar Saddexaad Waxaa Dhacday In Maxaabiis 8-Qof Ka Kooban Oo Doraad Allaybaday Laga Qaaday Loo Gudbiyay Gabiley,Anigoo Dareenkaasi Igu Jiro Oo Marka Horeba Aaminsanaa Waakii Marka Horeba Maxaabiista La Soo Celiyay Ayaan Raacay Oo Aan Kadaba Tagay,Waxaan Ugu Tagay Iyagoo Xeer Ilaalintii Ay Ka Qaban Wayday Maxaabiistii,Askartii Iyo Masuuliyiintii Wadayba Dibada Taagan Yihiin.”

Isagoo Ka Waramaya Dhacdani Maxaabiista Ay U Sii Daysay Xeer Ilaalinta Gabiley Ayaa Waxaa Uu Yidh “ Maxaabiistii Kala Saaris Ayay Ku Sameeyeen,Laba Ka Mid Ah Maxaabiistii Way Qaban Waayeen,Labada Maxbuus Ee La Siidaayay,Da’uud Maxamed Awyoome Iyo Cabdikariin Cumar Cabdi Waxay Xidhiidh La Lahaayeen Uun Nidaamkii Kuwii Hore Lagu Sii Daayay,Oo Ka Baxsan Xayndaabka Dawladnimo,Waana Sifo Qabiil Ku Salaysan Oo Anshaxa Garsoorka Lidi Ku Ah,Markii Aanu U Dhiibnay Xeer Ilaalinta Fal Danbiyeedyada Ay Nimankaasi Galeen Oo Ah Kiis Dhul Ah,Oo Ay Maxkamada Racfaanka Gobolku Ay Hore Xukun Uga Soo Saartay. Nimaankaasi Oo Ku Xad Gudbay Meel Loo Aqoonsaday Zoone Military,Waliba Ninka Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Degmada Ahaan Jiray Oo Doonaya Inuu Kicin Ku Sameeyo Shacabka Degmada Allaybaday,Oo Doraad Xeer Ilaalinta Markiiba Tidhi Damaanad Ayaanu U Qaadaynaa,Arintaasi Way Na-Qancin Wayday.

Isagoo Gudoomiyuhu Si Gaar Ah Uga Hadlaya Labada Maxbuus Ee Xeer Ilaalinta Gobolka Gabiley Sida Badheedhka Ah U Sii Daysay Falka Ay Ku Eedaysnaayeen,Ayaa Waxaa Uu Yidhi “Mid Ka Mid Ah Labadaa Maxbuus,Wuxuu Sifo Sharci Daro Ah U Qotay Garoonka Isguulka,Ka Kalena Wuxuu Si Sharci Daro Ah U Qotay Meeshii Loo Aqoonsaday Zoonaha Militari Oo Ilaa Labaatan Qoys Oo Kale Laga Kiciyay Oo Aan Cid Kale Faragalin Danbe Aanay Ku Samayn,Labadaasi Maxbuus Ee La Sii Daayay Oo Ku Eedaysnaa Danta Guud Ee Dawlada Inay Faragalin Ku Sameeyay,Oo Waliba Ka Garoonka Dhistay Ay Ardaydu Ka Baabiisay Beertii Uu Ka Qotay Garoonka,Labadaasi Maxbuus Oo Inbadan Hawshoodu Degmada Ay Ku Soo Noq Noqotay Oo Dhawr Jeer Oo Hore Oo La Soo Qabtay Aanu U Dignay Oo Aanu Sii Daynay,Oo Mar Lagu Ganaaxay ”.

Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Md Keyse Meegaar,Ugu Danbayntii Waxaa Uu Baaq Udiray Haayadaha Garsoorka Dalka “ Ugu Danbayntii Anagoo Ah Masuuliyiinta Degmada Allaybaday Waxaanu Cabasho Ka Dhan Ah Qabnaa Xeer Ilaalinta Gobolka Gabiley Gafafka Ay Ku Sameeyeen Maxaabiista Laga Gudbiyay Degmada Allaybaday,Waxaananu Ka Codsanaynaa Haayadaha Garsoorka Iyo Jaran Jarooyinka Masuuliyadeed Ee Garsoorka Inay Arintaa Go,Aan Cad Oo Deg Deg Ah Ka Soo Saaraan Faldanbiyeedyadaa Ay Ku Talaabsatay Xeer Ilaalinta Gobolka Gabiley,Ee Ay Sifada Sharci Daro Ah Ay U Sii Daayeen Maxbuus Danbiiile Ah Oo Inta Si Badheedh Ah Loo Siidaayay Maanta Suuqii Nala Jooga,Anaga Masuuliyad Ahaan Halis Ayay Lafahayagii U Tahay”

Eedayntan Ayaa Keentay In Ay Isku Maandhaafaan Mas,Uuliyiinta Ugu Saraysa Degmada Iyo Kuwa Gobolka Gabiley Sida Ay Warar Xog Ogaal Ahi Sheegayaan Waxa Ay Taasi Keentay In Ay Meesha Ka Baxdo Wada Shaqayntii Tooska Ahayd Ee Labada Maamul Iyada Oo Mudooyinkii Ugu Danbeeyey Uu Badhasaabka Gabiley La Daalaa Dhacayey Ceebtii Kazoo Gaadhey Mas.,Uuliyiintii Ka Tirsanayd Sirdoonka Itoobiya Ee Ay Sida Tuugta U Baadheen Badhasaabka Iyo Maayarka Gabiley

 

Wajaalnews.Net

Hargeisa/Office

COMMENTS
LINKS