Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cusbitaalka Gargaar Ee Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cusbitaalka Gargaar Ee Magaalada Hargaysa.
January 22, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xaalad Caafimaad oo la soo deristay loo dhigay Cusbitaalka Gargaar ee Magaalada Hargeysa Halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad.

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa la sheegay in ay wakhtigan xaaladdiisa aad u wacan tahay, oo uu soo ladnaanayo, marka loo eego xaaladdii uu ku sugnaa markii Dhakhtarka la geeyey caawa fiidkii.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa ku booqday Cusbitaalka gargaar Wasiirkiisa  Arrimaha Guddaha, waxaanu Illaahay uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Dhanka kale Lataliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdillaahi Caarshe ayaa qoraal uu baahiyay kaga hadlay xaalada caafimaad ee wasiir maxamed kaahin  wuxuna  yidhi “Xaalada caafimaad ee wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, waa boqolkiiba boqol, ma jirto xaalad caafimaad oo laga werweraa, ilaahay caafimaadka ha u siyaadiyo Wasiirka.

Xaalad kooban oo caafimaad baa loo dhigay wasiir Gargaar Hospital, xaalada caafimaad ee wasiirkuna waa maansha allah, yaan la dhigan xaalad kale.

Madaxweynaha qaranka somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wasiirka ku booqday Gargaar Hospital galabta

Hadaba yaan siyaabo khaldan loo baahin caafimaadka Wasiirka, waan idinku celinayaa xaalada caafimaad ee wasiirku waa boqolkii boqol, berina waxaa ku laabanayaa gurigiisa insha allaah.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS