“Madaxwayne Caafimaadka Dalku Gurmad Dawladeed Ayuu U baahan Yahay!”Guray Maydhax. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxwayne Caafimaadka Dalku Gurmad Dawladeed Ayuu U baahan Yahay!”Guray Maydhax.
January 24, 2021 - Written by Editor:

Mudane Madaxwayne ma ogtahay in dad iyo duunyaba aad masuul ka tahay ilaaahay ka sokow.

Mudane Madaxwayne Ma Ogtahay In Xaalada Adeega Caafimaad ee dalku ay marayso halkii ugu xumayd.

Mudane Madaxwayne Ma Ogtahay in Dhakhaatiirta dalku ay Nafaha umada ka ganacsadaan.

Mudane Madaxwayne Ma Ogtahay in Daawooyinka iyo Qalabkuba ay yihiin kuwii ugu liitay ee Aduunka laga isticmaalo.

Mudane Madaxwayne ma ogtahay in bulshadii Somaliland aanu shilin ku hadhin oo goob Caafimaad lagaga furtay, waxna aan loo qaban.

Mudane Madaxwayne Ma Ogtahay in Muwaadin iyo Ajaanib Dhakhtar Sheeganayaa ay u bahoobeen umadii aad madaxwaynaha u ahayd.

Mudane Madaxwayne ma ogtahay in Sadexda hay,adood ee Caafimaadka qaabilsan waa Wasaarada Caafimaadka, Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Hay,ada ilaalinta tayadu ay ku fashilmeen inay dabagal ku sameeyaan Adeegyada iyo Goobaha Caafimaadka ee dalka ka jira.

Mudane Madaxwayne Ma ogtahay in sanad kasta ay ku baxdo hay,adahaasi lacag badan oo Miisaaniyada ugu jirta, hadana aan waxba loogu qaban.

Madane Madaxwayne sababta Masuul kasta oo xanuunsada loo dhigo Gargaar Hospital Taasi sow maaha mid muujinaysa in cusbitaalkii dawladu yahay magac u yaal aan manfac lahayn, oo inta tagtaana ay tahay in dani baday oo ku dhiban cusbitaalka guud ee hargeysa.

Mudane Madaxwayne Sababay inaad wasaarada Caafimaadka aad la xisaabtami wado, waxay ku qabtaan $11,000,0000 ee sanad walba Miisaaniyada ugu jira.

Mudane Cashuurta umada laga qaadaa waa inay yeelataa sadex arimood midkood.

1;Inay Muuqato meesha ay ku baxday

2;In la helo masuul xabsi ku Mutay cashuur umadeed oo uu ku Takri falay.

3;Iyo in Umada Loo daayo Cashuurta laga qaadayo.

Madaxwayne xukumadaada la xisaabtan dabagal oo ogow halka ay ku dhacdo Cashuurta umada laga qaado.

QALINKII; GURAY Maydhax

COMMENTS
LINKS