DAAWO;-Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Maansada “Doonyo Qaad” Ku Cabiray Xaalada Dalka Iyo Sida Ay Bulshada U Kala Qaybiyeen Kuwii Ay Xilka Udhiibteen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Maansada “Doonyo Qaad” Ku Cabiray Xaalada Dalka Iyo Sida Ay Bulshada U Kala Qaybiyeen Kuwii Ay Xilka Udhiibteen.
February 12, 2021 - Written by Editor:

Markay Daaf U Dhuratee

Dirqi Iyo Itaal tahay

Runta Dabarka lagu xidho

La fasaxo Dabuubaha

Doc faruurka beenaha

Xaqa daah ku qariyaan

Afku juuqda daayee

Dibno Aamusaanee

Nin dabcaa ka talo baxo

Ama laga danaystee

Bulshadiyo dadkayguna

Doonya-qaad ay waayaan

Isku xidha dareenada

Dabka waayir qaadiyo

Dallad baan u noqon jiray

Deyra dhaafyadaa galay

Ay ku diirsadaaniyo

Dugsi Iyo gabood weyn.Abwaan Abees

 HARGAYSA(W,N)-Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo kamid ah Dhalinyarada Reer Somaliland ee hal abuurka ah ayaa  caawa Bandhig suugaan ku qabtay  huteelka maansoor ee magaalada Hargaysa Kaasi Oo ugu Magac daray “Halna Dheh 2” Taasi oo ay kasoo Qaybgaleen Boqolaal Kamid Ah dhalinyarada somaliland Abwaano Iyo qaarkamid ah haldoorka bulshada ayaa kusoo Bandhigay suugaan uu kaga hadlayo xaalada dalka iyo sida ay masuuliyiintii Ay xilka udoorteen ukala qaybiyeen shacabka iyo siyaasadaha raqiiska ah ee ay ku kala qabiyaan si aanay cududoodu ugu midoobin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MAANSADA DOONYO QAAD OO UU KAGA HADLAY XAALADA DALKA;

COMMENTS
LINKS