Farriinta Wacyigalineed Ee Komiishanka Doorashooyinka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Farriinta Wacyigalineed Ee Komiishanka Doorashooyinka!
February 16, 2021 - Written by Editor:

Muwaadin Baro Shuruudaha looga baahan yahay #Codbixiyayaasha doonaya inay helaan Addeegyada #Degmo-doorasho & #Kaadh baddalka Maanta oo ah 15 Feb. 2021, ka bilaabmay dhammaan Gobolada Dalka socona doona ilaa 24ka Feb. 2021.

KDQ waxa uu Addeegyadan u fidinayaa Codbixiyayaashii isdiiwaangeliyay 2016-kii oo qudha. Waxaa dhammaan Muwaadiniinta sharafta leh laga codsanayaa inay si dhaw ula shaqeeyaan KDQ kuna garabgalaan hawlaha qaran ee uu hayo, isla markaasna ay qaybtooda ka qaataan ilaalinta xasiloonida iyo amniga JSL iyo sidoo kale habsami-usocodka hawlaha loigu gogol-xaadhayo doorashooyinka isku sidkan ee Deeganada iyo Wakiilada.

#Muwaadin faham #Farriimaha KDQ, sii fidi oo la wadaag Muwaadiniinta kale kana qaybqaado Wacyigalinta Codbixiyayaasha.

#Somaliland
#somalilandelects
#KDQ
#SomalilandGuul

COMMENTS
LINKS