“Ciidanka Bilayska Dhaqankoodu Maaha Loomana Abuurin, Inay Hablaha Iyo Hooyooyinka Garaacaan!W/Q;Cabdilaahi Xasan, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ciidanka Bilayska Dhaqankoodu Maaha Loomana Abuurin, Inay Hablaha Iyo Hooyooyinka Garaacaan!W/Q;Cabdilaahi Xasan,
February 22, 2021 - Written by Editor:

Waxaan Daawaday Muwaadinadan loogu yeedho Hoodo Garays oo iyada iyo hooyadeed lagu gacansaaray saldhiga Guryosamo ee Ciidanka bilayska.

In dhaqankeenu soo xumaanaayo waxaad ku garataa in inan iyo hooyadeed isku meel lagu farasaaro.

Anigu dhal Askareed ayaan ahay, inantaasina waa dhal Askareed sida ay sheegtay iyadu.

Maxaa ciidanka bilayska inanta iyo hooyadeed ganbada ay uga Tuureen iyo shalmada- waar sowtii haweenka laga xishoon jirey.

Waar haweenku, gaar ahaan hablahu meel adag ayey inoogu jiraan- maaha in si andhaxdaraa in loo jiid jiido oo nabaro loogu dhufto, waa aynu is dilo caadi ah.

Ciidanka Bilayska waxaan leeyahay si Ummada loo kala badbaadiyo waa in talaabo laga qaadaa inankaa rabshada abuuray, ee dhibkan keenay.

Waa in Ciidanka Bilaysku baadhis sameeyaa oo si arintaa loo xaliyo talaabo laga qaadaa askartaa, gaar ahaan askariga dhibka abuuray.

Ciidanka Bilaysku inuu Bulshada cadow ka dhigto maaha waa inuu la saaxiibaa oo wada shaqayn weyni dhex martaa, si nabadgelyada loo sugo.

Wax la yeeli karo maaha in hablaha la farasaaro ama si xun loola dhaqmo.

Hadii aanu qofku denbi gelin, lama garaaci karo, lama xidhi karo, sharciga laguma aarsado ee waa lagu odeyeeyaa had iyo jeer.

Inantaa iyo Hooyadeed waxa lagu sameeyey waa Khalad- hadii Warbaahin Mucaarida ay u shaqayso oo wax dhaliisho- waa dastuuri amuurtaasi, mucaaridka muxaafid ayaa laga dhigi karaa.

Nidaamku wuu dumaa, hadii laysku cabudhiyo oo loogu awood sheegto muwaadin aan denbi gelin.

Askartii inantaa iyo Hooyadeed nabarada ku dhufatay waa in talaabo sharciya laga qaadaa oo ayna dib u dhicin arimahaasi.

Qof saldhiga u yimi adeeg Bulsho in lagu wax yeeleeyo, oo inta la garaaco la xidho- waxay ku tusaysaa maamul xumada saldhiga taala, aqoon darada iyo bahalnimada askariga xumi kula dhaqmaayo, qaybahii ugu mudnaa Bulshadeena.

Hoodo Garays anigu ma aqaano, laakiin waa in iyada iyo hooyadeed cadaalad helaan.

Inta jidh dil loo geysto, inay saldhiga u hoydaan maaha oo la xidho- hadii Hooyo garaacid aynu ka gilgilan weyno, shaki kuma jiro in aynu dumayno runtii.

Arintaasi waa khalad iyo in dharka  ciidanka sifo khaldan loo isticimaalo.

Waxaan si sharafi ku dheehantahay Ciidanka Bilayska Somaliland uga codsanayaa, in arintaa la xaliyo oo ay ku bogsadaan ehelka iyo ubadkii Hooyadood iyo walaashood la garaacay ee la xidhay.

Cadaalad hadii aan kala helo, weligeen weynu jiri- hadii kale cadaadisku kacdoon Bulsho ayuu abuuraa.

Ciidanka iyo Xukumada yaan dadka laga hor keenin.

Gabadh feedh iyo jilib lagu garaaco waa ceeb weyn iyo in Bilaysku dayacay masuuliyadiisii runtii.

Hooyo laad, feedh iyo jilib miyey u qalantaa? Waa maya.

Waa inay cadaalad helaan lamaanahaa is dhalay ee saldhiga cadaalad daro loogu tuuray.

Bilayska xeerka ciidan ha loo akhriyo oo buugaa jeebka hawgu jiro.

Hooyada iyo hablaha dhaqankeena ayaa ilaaliyey oo garabkeena gadaashii dhigay runtii.

Dee bahal wuu jirey weligii ee rag iyo aqoon ayaa dadka ka ilaalin jirey.

Bahal yaan Ciidanka Bilayska la qorin.

QALINKII; Abdilahi Hassan.

UK

COMMENTS
LINKS