WAJAALE NEWS

Dawladda Taiwan Oo Malaayiin Dollar Kaga Qayb-qaadanaysa Doorashooyinka Isku Sidkan Ee Somaliland.

Hargeysa (W,N) – Dawladda Taiwan, ayaa Somaliland ku caawinaysa Dhaqaale ay ugu talo-gashay inay kaga qayb-qaadato Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo la qorsheeyay inay dalka ka dhacaan 31-ka bisha 5-aad ee 2021.

Taiwan ayaa qoondaysay inay Adduun lacageed oo dhan 2 Million oo dollar kaga qayb-qaadato Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka Somaliland.

Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa hubinta in hawlaha doorashadu si habsami leh u socdaan iyo in kale, sida uu sheegay Wargeyska Business Week oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay.

Sidoo kale, Dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ee reer Yurub,  ayaa dhaqaale iyo Farsamo ahaan uga qayb-qaatay diwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac.

Ugu dambayn, Somaliland iyo Taiwan ayaa sannadkii hore samaystay xidhiidh diblumaasiyadeed, waxayna Hargeysa iyo Taipea ka fureen Xafiis-Wakiileedyo.

Exit mobile version