“Iyada Oo Aan Lagu Sixrin, Naftaada Ha Sixirin Adigu”!W/Q;Khadar Ibrahim Aar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Iyada Oo Aan Lagu Sixrin, Naftaada Ha Sixirin Adigu”!W/Q;Khadar Ibrahim Aar.
March 10, 2021 - Written by Editor:

Sixirku Waa Wax jira oo Ilahay Quraankiisa inoogu Sheegay,waana shay aan la dafiri karin,waxaana adeegsada Dad Ilahay iyo Rasuulkiisaba caasiyey waana Danbi wayn oo Kabaa’ir ah.

Lakiin waxaa jira sida Maanta Dunida la ogaaday in Boqokii kii Qof ee ka cawda dhibaatada Sixirka, qiimaynta la sameyey Waxaa soo baxday  in 1% Hal Qof uu yahay kan isagu qaba Sixirka runta ah inta kalana ay yihiin Waswaas iyo Khanaas ay Iyagu iska dhaadhiciyeen ama lagu beeray.

Xanuunkasta oo ku haya haw malayn in uu sixir Yahay.Waxkasta oo si khaldan ama si aadan hore u arag u yaalana haw malayn in uu yahay in Sixir adiga laguugu Talagalay.

Waxaa jira dadyaw badan oo ka cawda waxyaabo ay Guryahooda iyo halka ay ku nool yihiin ay ku arkaan una qaata In uu yahay Sixir iyaga loo maleegaayey

TOSAALE .Waxaabad Gurigaaga ku aragtay shay si khaldan u samaysan,sida Warqad iyo Xadhko  laysku soohay iwm,Qoraalo aadan garanayn wax ay yihiin oo Warqad Guriga aad ka heshay ku qoran,taasi macnaheedu maaha in lagu sixray,waxaaba dhicii karta in ay yihiin wax iska dabiici ah oo xaalkoodu sidaa iska noqday dabeecaduna ay samaysay.

Waxaynu waxbadan aragnaa dad ka cawda Sixirka Lacagtoodiina ay ku dhamaatay Wadaad shaqo tag ah oo aan marqudha u sheegayn in waxa hayaa uu yahay shaki iyo waswaas ku abuuran.

Hadaad rumaysato in aad Sixran tahay adiga oo aan balo qabin, waxa aad ogaataa in adigu aad isa Sixirtay,taasi waxa ay ka khatar badan tahay Sixirkii rasmiga ahaa ,waayo Sixirka rasmigaa waxa aad helaysay cid kaa dawaysa,balse kan adigu aad iska dhaadhicisay cidina kaa dawayn kari mayso.

Hadaba hadaad aragto ama aad la kulanto wax aad istidhaahdo waa Sixir adiga laguugu talagalay u tag Culimada iyagu aqoonta u leh si ay Waswaaska kaaga saraan.

Waxyabaha kale ee hada la ogaaday waxaa ka mida ,in Qof aan isagu Saaxirba ahayn,aqoona aan u lahayn cilmiga Sixirka in uu isku dayo in uu ku Waswaasgaliyo, isaga oo isku dayaaya sidii uu kuu dareen siin lahaa in lagu Sixray kadibna aad u werweri lahayd/

TUSAALE AHAAN

Waxa dadka qaar ay sameeyaan iyaga oo raba in ay ku warwar galiyaan ama ay ku Waalaan,in ay Gurigaaga ama halkaan ku nooshahay ay keenaan ama soo dhigaan waxyaabo aad u malayso in lagugu Sixraayey ,sida Warqado aan la akhriyi karin waxa ku qoran,Qashin iyo Kudaafad aad garan karto in siday u taalo ujeedo laga leeyahay,Xadhko iyo Qoryo yaryar oo laysku soo cunaduubay ,waxaasi oo dhami waa been balse adiga ujeedadii lagaa lahaa waa lagaa gaadhay mar hadii aad rumaysatay in waxani uu yahay  Sixir.

Ha noqon qof waxkasta oo uu arko u qaata in isaga lagu waxyeelaynaayo,taasi xanuun maskaxda ah ayay kuu keeni kartaa.

Quraanka akhrista,Ilahay Xadhigiisa qabsada,waxba inaga xumaan maayaan

QALINKII; Khadar Aar.

 

COMMENTS
LINKS