WAJAALE NEWS

DAAWO;-Musharax Shucayb Oo Si Kulul Uga Hadlay Nin Loo Xidhay Warqad Lagaga Been Sheegay Oo Uu Diiday In Saxeexo

HARGAYSA(W,N)Musharax Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse oo kamid musharixiinta xisbiga ucid golaha wakiilada ee gobolka maroodi ayaa si kulul uga hadlay faro galin ay musharaxnimadiisa ku hayaan xubno uuu sheegay in ay ku shaqaysanayaan shaadhkii dawlada

sidoo kale musharax shucayb ayaa canbaareeyay xadhiga Muxiyadiin Ibraahim aadan oo kamid ahaa ardaydii ay wada dhigan jireen dugsigii al furqaan oo isagu diiday warqad lagaga been abuuray inuu shucayb ahaa ardaydii ka baxday taasi oo ay soo diyaarsadeen koox ka amar qaada wasiirka isgaadhsiinta.

muwaadinkan diiday sexeexa warqadan hoos ku qoran ayaa hada ku xidhan xarunta C,I,Dda

Dhanka kale musharax shucayb ayaa hanjabaad culus udiray cidkasta oo ku foogan farogalin lagu sameeyo hankiisa musharaxnimo isagoo sheegay in wixii ka yimaada ay masuul katahay cida iyagu wada arimahan

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version