Madaxweyne Biixi Oo Lafilaayo In Uuna Marlabaad Isku Soo Taagin Madaxweyne –nimada Dalka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo Lafilaayo In Uuna Marlabaad Isku Soo Taagin Madaxweyne –nimada Dalka!
March 26, 2021 - Written by Editor:

Waxay ku beegnayd 13 December 2017 maalintii uu Madaxweyne Muuse Biixi la wareegay hogaaminta dalka  kadib doorashadii qabsoontay 13 November 2017 ee ay ku tartameen seddexda Xisbi qaran ee Kulmiye , Waddani iyo Ucid.

Khudbadii uu maalintaa madashaa ka jeediyey Mudane Biixi waxa uu xusay dhibaatooyin markaa horyaalay xukuumadiisa cusub oo uu sheegay sida uu wax ugu qaban doono muddo xileedkiisa shanta sanno . haddaba dhibaatooyinkaa waxa uu ka xusay kuwan iyada oo hadalkiisiina u dhignaa sidan:

Dhibaatooyinka Horyaalla Dalkeena:

Walaalayaal, waxa jirta qabyo badan oo dalkeenu leeyahay. Qabyooyinka qarankeena waxa ka mid ah:

  1. Shaqo la’aan
  2. Saboolnimo
  3. Sicir-barar
  4. Riiqda abaaraha soo noq-noqday
  5. Musuq-maasuq
  6. Qabyaalad
  7. Aqoonsi la’aan

Si Xal loogu helo dhibaatooyinkaa aan soo xusnay:

Walaalayaal dhibaatooyinka in horyaala waxaynu kaga bixi karnaa midnimo iyo wadashaqayn, maaha kuwo qof keliya wax ka qaban karo, balse haddii aan xuso waxaynu dhibaatooyinkaa xal ugu heli karnaa;

Intaa markuu yidhi, waxa uu faahfaahin ka bixiyey sida uu xal uu ugu heli karo dhibaatooyinkaas.

Waxaase xusid mudan in Madaxweyne Muuse Biixi oo xilka hayey 3 Sanno 3bilood iyo 13 casho ay u suura galiweyday in uu wax ka qabto dhibaatooyinkaa uu maalintaa balan qaadayey in uu wax ka qaban doono. Iyada oo waliba todobadaa qodob ee dhibaato ay mid waliba xadka kasii baxday oo ay xadhkaha sii goosatay.

Mark haddii  uu Madaxweyne Biixi tahli kari waayey in uu wax ka qabto wixii uu balan qaaday isla markaana mudada u hadhay ay aad u kooban tahay , waxa la filaya in uu ku taagan yahay jidkii Madaxweynihii ka horeeyey ee Axmed Silaanyo oo kusoo gaabsaday hogaaminta dalka hal term .

QALINKII; Cabdirasaaq Askar

Hargeisa, Somaliland

 

 

COMMENTS
LINKS