Komishanka Doorashooyinka Oo Wali Ka Aamusan Xadhiga Iyo Tacadiga lagula kacay Murashax Shucayb, Iyo Sida Ay Ugu Kalsoonaan Karraa Natiijada Uu Usoo Saarayo Murashaxiinta Doorashada Soo Socota Galaya?Faallo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komishanka Doorashooyinka Oo Wali Ka Aamusan Xadhiga Iyo Tacadiga lagula kacay Murashax Shucayb, Iyo Sida Ay Ugu Kalsoonaan Karraa Natiijada Uu Usoo Saarayo Murashaxiinta Doorashada Soo Socota Galaya?Faallo
April 2, 2021 - Written by Editor:

Door Noocee Ah Ayuu Wasiir Cabdiwali Ku leeyahay Xadhiga Siyaasiga Ah Ee Musharax Shucayb Maxamed Muuse Oo Mudo 9cisho ku xidhan Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargaysa+ Saamaynta Uu ku yeeshay Xadhigiisu Qaadashada Kaadka Codbixinta Ee Beeshooda?

Murashax Shucayb Maxamed Muuse, oo Kamid ahaa Murashaxiinta U Tartamayay Doorashada Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi/jeex ee Iska soo Sharaxay Xisbiga Mucaaridka ah Ee Ucid, Ayaa Waxa uu Marayaa Xadhigiisu, Sagaal Caanamaal iyadoo Sigaar ah oo La Bartilmaameedsadey, Xadhigiisu Loogu Beegay Goobta Lagu Xidhay, oo ah Saldhiga Dhexe Ee Caasimada Hargeysa, oo Kala kulmay Xadgudubyo, iyo Ciqaab dheeraad ah Kadib Markii Loo Diiday Xaaskiisa, Waalidiintiisa, iyo Cid Kasta oo Kusoo Booqata Saldhigan Marka laga Reebo Hal Maalin oo Loo ogolaaday Labada Xisbi Mucaarid taas, oo ku Qiyaasnayd Markii Xisbiga Ucid Masuuliyiintiisu Ka hadleen, in Cid Kasta oo Booqatay Loo Diiday Xataa Xaaskiisa.

Waxaynu Wada ognahay in Aan ilaa Maanta Komishanka Doorashooyinka ee Doorashada u Qaabilsan Guud ahaanba Sadexda Xisbi Qaran, iyo Murashaxiinta u Tartamaya Golayaasha Wakiilada iyo Kuwa Deegaanka labadaba aanay Wali Wax Talaabo ah Iyo Wax hadal ah, midna ka Qaadin Xadhiga iyo Cabudhinta lagu Sameeyay, Murashaxaasi iyadoo laga dharagsan Yahey in Sigaar ah Xadhigiisu ugu Suntan Yahey Awood Sheegasho Awoodii Xukuumada loo Isticmaalay islamarkaana, uu Isku Qaawiyay Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Tiknoolajiyada Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Sheekh Suufi Jibriil, oo ay Seediyo Yihiin Sidoo kalena, u ololaynaya Musharaxa ka Sharaxan Xisbi Xaakimka Kulmiye ee ay Isku Beesha kasoo Wada jeedaan shucayb, Waxaanay Talaabadan Noocan ahi Mugdi galinaysaa Sida Mar Walba loogu Kalsoonaan karro Komishanka u Dhexeeya Xisbiyada Qaranka iyo Murashaxiinta Natiijada uu Kasoo Saari Karro Doorashada Dhawaan lagalayo ee Soo Socota.hadii aanay war deg deg ah oo ay ku gudanayaan shaqada ay umada uhayaan.

Inkasta oo guoomiyahaxisbiga ucid sheegay in komishanka ka aqbaleen documenta musharaxnimo ee shucayb hadana marka la raacayo xeerkii ay wada sexeexdeed xisbiyada iyo komishanku wuxuu sheegayay in komishanku ilaalinayaan xuquuqda musharixiinta si aan xukuumadu uga faa,iidaysan awoodeeda.

Haddii aynu Dib u Milicsano Xadhiga iyo Tacadiga Ku Socda Murashax Shucayb Maxamed Muuse, Waxaa sigaar ah Loogu Xidhay Saldhiga Dhexe ee Caasimada halkaasi, oo uu Taliye Ka yahey Axmed Dacawo, oo Sigaar ah Loogu Balamiyay, islamarkaana, isaga laf ahaantiisu Habeen ka Xigo  Murashaxa Xisbiga Kulmiye Cabdikariim Maxamed Dheere, Waana Xudunta Cadaadiska iyo Ciqaabta ku socota  iyadoo aanay Ka Warhaynin Taliyaha Guud ee Ciidamada Boolisku, Waxaa kamid ah Dhacdooyinka foosha Xun ee Lagu Toojar gareeyay Murashaxan in Hooyadii, oo Ka Timid Deegaano Fog, iyo Qaraabadiisii oo dhan Loo Diidey Islamarkaana, Aanu qofna arki Karin Ilaa la helo Taliye Axmed Dacawo oo Saldhigan u Madax ah Mooyee, Talaabadan oo Dhaawac Weyn ku ah Dhamaanba Qawaaniinta iyo Shuruucda Dastuurku Siiyay Muwaadinka iyo Maxbuuska Si Xadhigan Loogu Adeegsado Ciqaab iyo Cabudhin Gaar ah, Waxaanu Wasiirku ku Xalashaday Isagoo Shaadhkii Xukuumada Adeegasanaya Xadhigiisa , Maxkamada oo Todobaad ugu Rumaan gareysay Saldhiga Dhexe ee uu Ku Xabisan yahay,

Waxaa xusuus mudan musharax shucayb waxaa lawada ogyahey Goobta laga qabtey oo aheyd Xaafada Jiggjiga yar ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo uu u Dhawaa Saldhiga Ibraahim Koodbuur, Waxaa muuqata in Loo adeegsadey, Awoodo isbarkan oo Dhinaca Masuuliyada Ciidamada Booliska ka baxsan iyo Tan Wasiirka ee iyaduna ka aradan Milgaha iyo Sharafta maadaama Murashax Shucayb Qabo Walaashii oo isaga(Wasiirka), Ka yar.

Sikasta oo ay Tahey,  “Meyd keebaa u Dambeeyay kaa lasii Sido” Waxaa khamiista Maanta oo Bisha April Kow tahey, Loo Diiday, Ehelkiisa oo ay ugu horeysp Hooyadii iyo Walaalihii in ay Arkaan Iyadoo Askarta Ciidamada Boolisku Sheegeen, in Taliyaha Saldhigu Amrey, inaan Qod Ugali arkin Arkina karin, ilaa isaga lasoo maro, Su,aalaha isweydiinta Mudani Waxey Yihiin haba lagu jabiyo Xadhiga iyo Tacdiga loo Geystay Muwaadinkan Xeerarka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada Somaliland ee u Dhaxaysa Xisbiyada iyo Xukuumada Maka Warhayaa Culeyska iyo Cabudhinta iyo Ciqaabta joogtada ah?, Maxaa Fadeexad Somaliland uga Soo kordhaya Kadib Marka la ogaysiiyo loona Turjumo, Beesha Caalamka Sida loola Dhaqmey Muwaadinkan ee Xaaraanta iyo Awoodaha Dheeraadka ah? Sumcad Xumo intee Leeg ayuu Kala Kulmi Doonaa Taliye Dabagale iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Gabagabadii Walow ay jirto, in uu Siyaadada ku Cusub Yahay, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadu Cabdiwali Sheekh Islamarkaana, uu Gabi ahaanba khalad ka fahansan yahey, Shaadhka Xukuumadeed ee uu Sito, ee isagoo mudadii uu Xilkan hayay, gabi ahaanba ku Fashilmay in uu Taageero uga Kasbo Xisbiga Kulmiye(Murashaxa uu Beeshiisa uga Soo Sharaxay Golaha Wakiilada), iskaba Daa Gobolka intiisa kale, Xukuumadu Maka Warhaysaa, inuu Taariikhda Noqonayo, Wasiirkii ugu Saamaynta Liitay Ee Soo Mara Siyaasada Xukuumadihii talada Somaliland isaga Dambeeyay, Mase ogtahey Fadeexadaha kale ee Ku Lamaan Talaabooyinka uu ku Kacay, ee Ka baxsan Nidaamka iyo Shuruucda Dalka u yaala inta Muwaadin ee Iyagana Ciqaab, Xadhig iyo Tacadi Loogu Gaystay in ay Been abuur ka Sameeyaan Murashaxan oo La taxaabay iyagana Kadib Markii ay Diideen Been abuurkaasi iyo Waraaqo laga Sexeexayay, oo lagu Sheegayay in aanu Aheyn Ardey Wax lasoo dhigtay.

Qalinkii iyo faaladii; Aqoonyahan Nimcaan Muuse.

COMMENTS
LINKS