“Maamulka Muqdisho Iyo Khilaafka Dhinacyada Isku Haya Siyaasada Somalia, Maaha Mid Khuseeya Dalka Somaliland Iyo Dadkiisa” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maamulka Muqdisho Iyo Khilaafka Dhinacyada Isku Haya Siyaasada Somalia, Maaha Mid Khuseeya Dalka Somaliland Iyo Dadkiisa”
April 6, 2021 - Written by Editor:

“Midnimada Soomaaliyeed Iyo Xalka Dawladnimada Somalia Waa Kala Laba , Labaduba Waxa Ay U yaalaan Dadkooga”Mahamed Dhimbiil.

1;Midnimada soomaaliyeed waxa ay ahayd aragti iyo yididiilo wanaagsan oo la rabay soomaalida ku nool bariga Africa oo dhami in ay ku midoobaan hal dawlad oo hal calan oo kaliya leh , dadka yagleelkeeda lahaa ee hormoodka ka ahaa waxa ay ahaayeen dadka jamhuuriyada Somaliland.

Dadkii midnimo iyo kalgacayl soomaaliyeed u sadqeeyey ( sacrifice) dawladnimadoodii ay dalka boqortooyada ingiriiska ka qaateen 26 June 1960kii si loo helo 5 tii soomaaliyeed oo hal dal isku noqota calan kaliyana hadhsata waxa ay ahaayeen dadka jamhuuriyada Somaliland.

Hadii aragtidan la rabo in ay suuragal noqoto waxa laga yaabaa in ay tahay mid qaadan doonta boqolaal sano oo dambe , sidoo kale horseed u noqon doonta in dunidu ka guurto nidaamka dalalka oo loo qaaboobo hab qoomiyadeed , waxaana ay u taalaa dadka soomaaliyeed, laakiin xaga ilbaxnimada iyo horumarka waxa ay iila muuqataa aragti liidata shaqsiyan in soomaali hal dal isku noqoto.

Waxa aan qabaa in qoomiyada soomaaliyeed wax badan ka mideysnaan karto iyaga oo kala dalal ah , aanay u faaiido badan tahay qofka soomaaliga ahi in uu lahaado 5 dal oo bariga Africa ku yaalla oo uu midwaliba isagu taladeeda iyo hogaaminteeda yeelan karo , mana muuqato wax u diidayaa ee kaliya waxa ay ku xidhan tahay dadka soomaaliyeed meesha ay doonaan iyo Gobolka ay doonaan ha ku noolaadeen e in ay aragtidii hore wax ka badelaan si ay ula jaan qaadaan kaalin mug lehna ugu yeeshaan Gobolka Bariga Africa.

2;Dawladnimada Somalia waxa caalamku u yaqaanaa labadii gobol ee ka mid ahaa 5 tii soomaaliyeed ee iyagu midoobay 1 July 1960 kii , maantana kala ah; b) Jamhuuriyada Somaliland t) Jamhuuriyada Federalka Somalia .

Waxa ay ku mideysnaayeen mudo 30 sanadood ah dawladii la odhan jiray Jamhuuriyada Somalia 1960 ilaa 1990 , dagaalo , burbur , barakac , xasuuq iyo dhibaatooyin badan oo dhex maray ka dib waxa ay kala noqdeen 1991 kii Jamhuuriyada Somaliland iyo qaybta maanta la yidhaahdo Jamhuuriyada federalka Somalia , waxaana ay kala maqan yihiin mudo 30 sanadood ah 1991 kii ilaa 2021 , walow aanu caalamku ilaa hadda laba dal u kala aqoon.

Shirarkii aduunku Somalia u qabanayey dhamaantood waxa ku qeexnaa in aanay Somaliland ka mid aheyn dawlada la dhisayo iyo dib u heshiisiinta la wado maadaama ay dawlad gaar ah ku dhawaaqday dalkoogiina yahay mid nabdoon oo xasiloon 1991 shirkii Djibouti ilaa 2017 shirkii Muqdisho .

Soomaalidu waxa ay ku maah-maahdaa ” Oodo dhacameed sida ay kala sareeyaan ayaa loo kala guraa ” waxa aduunka iyo dadkii soomaaliyeed ee dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska Somalia ku jiray ugu talo-galeen bal in horta gobolka dhibaataysan ee xasilooni darada iyo dawlad la’aantu ka jirto loo gurmado oo nidaam dawladeed loo sameeyo , ka dib wadahadal hadhowto la isugu keeno labadii maamul, xalkuna iyaga u yaalo in ay midoobaan iyo in ay laba dal isku aqoonsadaan oo kala gaar ah.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama

Maxamed Dhimbiil

dhimbiil@live.com

COMMENTS
LINKS