“Waxaanu Leenahay Waar Yaan Karaamada Ciidamada Laga Qaadin. Waxa Muuqata Dhawaaqyo Hadda..Hogaamiye Xirsi, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaanu Leenahay Waar Yaan Karaamada Ciidamada Laga Qaadin. Waxa Muuqata Dhawaaqyo Hadda..Hogaamiye Xirsi,
April 12, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa, (W,N)- Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si adag uga hadlay xadhiga loo gaystay General Jaamac Maxamuud Aadan (General Doolaal) isaga oo sheegay in Doolaal yahay sarkaal xanuusanaya oo umadda iyo dalka u soo halgamay oo aan mudnaun sidan loola dhaqmay isaga oo Hogaamiye Xirsi ku baaqay in uu helo caddaalad iyo nidaam garsoor oo sax ah isaga oo la ilaalinayo xuquuqdiisa muwaadinimo.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayay xaflad xisbiga WADDANI u qabtay mid ka mid ah musharaxiinta xisbigaasi ayaa waxa uu ku dheeraaday eedo culus oo uu u jeediyey dawladda isaga oo ku dhaliilay qaabka loola dhaqmay General Jaamac Maxamuud Aadan (General Doolaal) iyo sida loogu baahan yahay in qof waliba xaq u leeyahay in uu is difaaco isaga oo aan dhib iyo tacadi loo gaysan sharciguna cid walba ka sarreeyo isaga oo aan difaacayn qof dambiile ah.

General Jaamac Maxamuud Aadan (General Doolaal) oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waynu soo marnay ciidamada oo si qaldan loo adeegsado dhaxalkeediina waynu aragnay. Booliska oo si xun loo adeegsado waynu soo marnay ciidamada kale oo si xun loo adeegsado waynu soo marnay. Waxa aynu leenahay waar deel qaafka halaga daayo. Ciidamadu dalka ayay u dhaxeeyaan. Nabadgalyada ayay ilaalinayaan. Caddaaladda iyo dimuquraadiyadda ayay ciidan u yihiin in ay ilaaliyaan iyo nidaamka oo dhan. Waar haddii aad iyagii ku dhaawacdaan gacantooda yaa aaminaya hadhaw sidee dalka dhex ugu noqonayaa”.

“Waxaanu leenahay waar yaan karaamada ciidamada laga qaadin. Waxa muuqatay dhawaaqyo hadda soo baxaya oo aan hore uga hadlay inaan kor loo qaadin imikana aan ku celinayo oo ciidamada Milatariga dhexdooda ah oo aan leeyahay wixii arrin ciidan ahi waxa ay innooga baahan tahay ilaalin iyo in warbaahinta laga daayo. Haseyeeshee waxaan cod dheer ugaga hadlayaa Doolaal oo ah Mujaahid soo halgamay oo xidhan oo illaa hadda la leeyahay nidaamkii lama marin. Annagu ma lihin qofku dambi ma gali karo. Qof walba dambi waa loo qaban karaa haddii uu dambi leeyahay. Haseyeeshee illaa maxkamadi dambi qofka ku caddayso waxa uu yahay dambilaawe. Ninkaasi sarkaalka ahi waxa naloo sheegay in uu xanuusanayo oo liito. Xabsiga la geeyey oo duruuftiisa caafimaad aad iyo aad u liidato. Waxaanu leenahay duruuftiisa caafimaadna halaga war hayo caddaaladna ha helo oo ha la mariyo nidaam caddaaladeed. Waar halaga daayo sida tahriibta ah iyo waxyaabaha la malmaluuqayo ee la sheegayo. Haddii uu dambi leeyahay u doodi mayno. Dhammaanteen sharciga ayaa innaga wayn. Qof kasta oo dambi gala sharciga ayaa la marinayaa ee halagu caddeeyo. Waxaanse leeyahay dariiqa loo marayo, ilaalinta karaamadiisa iyo caafimaadkiisa ilaalintiisa ayaa waajib ah, waa waajib qaranka saaran. Waa mid uu sharcigu u damaanad qaadayo oo sharcigu u ogol yahay”. Ayuu yidhi Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi.

 

COMMENTS
LINKS