Xadhiga Murashaxiinta Xisbiga UCID Ma U Muuqdaa In uu Hordhac Yahey Xanjarafada Xukuumadu La Damacsan Tahey Doorashooyinka Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xadhiga Murashaxiinta Xisbiga UCID Ma U Muuqdaa In uu Hordhac Yahey Xanjarafada Xukuumadu La Damacsan Tahey Doorashooyinka Somaliland?
April 12, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Waxaa Dhawaan La Taxaabay, Murashaxii 4aad ee Katirsan Xisbiga Ucid oo Xukuumadu u Taxaabtey, Damaciisa Siyaasiga ah ujeedada loo Taxaabay Murasharaxan ayaa ka Dambeysa Damaciisa Murashaxnimo taas oo la Doonayo, in Loogu Quus gooyo Xadhig iyo Cabudhin.

Waa Markii u Horeysay ee Nooceeda ah oo Doorashooyinkan Wakhtigan La filayo, Xadhig iyo Tacadi loo Gaysto, Muwaadiniinta isku Diyaariyay in ay Ka qeybgalaan Tartanka Doorashooyinka, iyadoo ay Talaabadani Ku Koobnayd, Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Deyrtan Ay iska Sharaxeen Siyaasiyiin Door ah oo Hore uga Tirsanaan jirey, Kana dhex Muuqdey Xisbi Xaakimka Kulmiye, Kuwaas oo ay Kamid yihiin Murashax Shucayb Maxamed Muuse, oo hore Uga Soo Qabtey Xukuumadii hore ee Kulmiye Xilka Wasiir, inkastoo uu Isagu kamid ahaa Murashaxiinta Beesha Sacad Muuse iska Soo Sharaxay Xisbiga UCID ee sida gaarka aj loogu Bartilmaameedsadey Xadhiga, Waxa kale oo iska soo Sharaxay Cali Xaamud Jibriil oo Xilka Wasiirnimo kasoo Qabtey Xukuumadii Kulmiye, Cabdirashiid Sumal, oo Agaasime Guud Kasoo Qabtey Xukuumadii hore ee Kulmiye, iyadoo Gobolada Kale, laf ahaantooda ay jiraan Siyaasiyiin hore uga Tirsanaa Kulmiye oo iska soo Sharaxay Xisbiga Ucid Golaha Wakiilada, Waxa sigaar ah aad loogu Falanqeeyay Xadhiga Ku Koobnaa Intii Damacooda Siyaasiga ah loo Xidhay ee Kasoo jeeda Dhamaantood, Beesha Madaxweyne Biixi Waxa dad badani Dhacdadaa u Fasireen in ay Tahey Talaabo Beeshan lagu Nacsiinayo Xisbiyada Mucaaridka ah.

Sikasta oo ay Tahey, Marka hoos loogu Dhaadhaco Xanshashaqa Dadweynaha ee Ku Wajahan Habdhaqanka Hordhaca ah ee Xukuumadu ku Talaabsatay Bilawga iyo Diyaargarawga, loogu Diyaar garoobayo, Doorashooyinka Soo Socda, in ay Suurtagal tahey in ah Qeybaha Dambe iyo Codadka Murashaxiinta ay Ku Faragaliso, Komishanka Doorshooyinka ee u Dhexeeya Xisbiyada iyadoo, ay jirto Geesta kale Cabsi aan Nooceeda hore loo arag oo Xisbiyada Mucaaridka ah laf ahaantoodu, Wakhtigan Qabaan taas, oo aanay Habayaraatee, Kaga dareen Celinin Talaabooyinka Xukuumadu Wakhtigan, Qaadayso ka hor intii aan Doorashada La galin iyadoo ay Xusid Mudan Tahey, in Xisbiga Kulmiye Murashaxiinta Madaxweynuhu ka Sharaxay Gobolka Maroodi/jeex ay Yihiin 12 Murashax, taas oo Xudun u ah Xadhiga iyo Cabudhinta ku goonida ah Murashaxiinta Ucid ee Beeshaa kasoo jeeda, halka Xisbiga Waddani ogolaaday, Intii uu Kulmiye ka dalbadey in laga Reebo Murashaxiinta, bal aynu Dhawrno halkanay Isku Badesho Dhaqdhaqaaqyada Socda, iyo Faragalinta Hordhaca ah.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF REPORT

COMMENTS
LINKS