Midowga Yurub Oo Ka Horyimid Mudo kordhintii Loo Sameeyay Farmaajo, Kuna Hanjabay In Ay Joojinayaan Dhaqaalihii Ay Ku Taageerayeen Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Midowga Yurub Oo Ka Horyimid Mudo kordhintii Loo Sameeyay Farmaajo, Kuna Hanjabay In Ay Joojinayaan Dhaqaalihii Ay Ku Taageerayeen Somaliya.
April 13, 2021 - Written by Editor:

Wakiilka u sareeya arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell  ayaa qoraal adag ka soo saarey xaaladda Soomaaliya, waxaana ay si toos ah uga hor yimaadeen Madaxweynaha xilka korodhsadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka ayaa lagu yidhi:

Beesha Caalamka oo ay ku jirto midowga yurub waxay marar badan ku celceliyeen, oo si muuqata u shaaciyeen in ayna sinaba u aqbali karin muddo korodhsiga xukuumadda, sidoo kale in ayna oggolaaneyn doorasho is barbaryaaca, iyada oo aan la dhamaystirin heshiiskii 17 September. Midowga Yurub waxay aaminsan tahay, haddii mooshinkan la saxeexo wuxuu kala qaybinayaa Soomaaliya, wuxuu keenayaa dib u dhac badan iyo in uu khatar ku noqdo ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo weliba dalalka jaarka la ah. Waxaana mooshinkan sinaba u noqoneyn mid u adeegaya danaha umadda Soomaaliya.

Josep Borrell

Qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa mar kale lagu baaqey in miiska lagu laabto, haddii taasi dhici weydana, Midowga Yurub ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah.

Waxaan ugu baaqaynaa in dib loogu noqdo wada hadaladii socdey ee dooratashada, iyada oo aan waxba dib loo dhigeyn laguna saleynaayo heshiiskii 17 September.

Haddii taasi dhici weydo Midowga Yurub waxay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

Josep Borrell

Midowga Yurub wuxuu joojiyey Miisaaniyaddii uu dowladda ku kabi jirey, sidoo kale waxaa dhici karta in ay hakiyaan dhammaan mashariicda daruuriga ah ee Midowga Yurub ay gacanta ku haysey, oo ay ka mid tahay Kaabayaasha dhaqaalaha ee dhawaan la saxeexey.

COMMENTS
LINKS