Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka ah Midkeebaa Guulaystey, Hadii La Qabto Doorashada Isku Sidkan Ee Wakiilada Iyo Golaha Deegaanka?(faallo). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka ah Midkeebaa Guulaystey, Hadii La Qabto Doorashada Isku Sidkan Ee Wakiilada Iyo Golaha Deegaanka?(faallo).
April 13, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Marka hore Waxaa dad badani isweydiinayeen Maalmihii u Dambeeyay,dhaqdhaqaaqa Mudanayaasha Wakhtigoodu Sii dhamaanayo ee Golaha Wakiilada Simaliland cod Aqlabiyad ah ugu Meelmarinayeen Xeer 14 ogolaanaya Furusta Ururada Siyaasada Somaliland, taas oo ay Dadka Qaarkii Wakhtiyadan Dambe u qabaan in ay Caqabad adag ku tahey Xisbiyada Mucaaridk ah ee Ucid iyo Waddani oo iyagu Mar hore, Sida fiinta uga Qeylyay kadib Karkii Madaxweyne Muuse Biixi ku soo hadalqaaday Madal uu ka jeedinayay Khudbad isagoo ujeedadiisu daarneyd, Af-gobaadsi aan Xaqiiqda u Ridnayn.

Haddaba Marka loo soo Noqdo ujeedada nuxurka Faalada ku Sahabsan Doorashooyinka Wakhtigan lafilayo, in ay dhawaan Ka qabsoomaan Dalka, ee Doorashada Golaha Wakiilada iyo Doorashada D/hoose ee Golayaadha Deegaanku, Waxa ay labaduba noqonayaan Kuwa Dalka Somaliland ee Mudoba soo hayay, Dhabaha Doorashooyinka ee hanaanka Dimuqraadiyada qof iyo Cidkii ahi in ay soo Marayaan Marxalad mudo dib-udhac badani ku Yimid Maadaama Golayaasha Wakiiladu fadhiyeen mudo imika labaatan Sano ku dhaw, Islamarkaana, Golayaasha Deegaanka ee Dalku Toban Sano iyo dheeraad hada joogeen, Waxey Doorashadani soo afjareysaa gabi ahaanba in La Furo ururo Siyaasadeed oo ay Xisbiyada Mucaaridka ahi markii hore ka baqo qabeen In Doorashadan ka hor ay Taasi qorshe u Noqoto Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahey Madaxweyne Muuse Biixi ee Xisbiga Kulmiye Sababtoo, ah hadii Doorashadani qabsoonto Waxey Sikasta iyo Gees Kasta oo laga joogsado, Guul u Noqonaysaa labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid Maxaa Yeelay, Waxaa imanaya Gole Cusub oo Dhinaca Wakiilada ah kaas, oo gabi ahaanba meesha ka Saaraya Aqlabiyada ay wakhtigan Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye ku haystaan, Golaha Wakiilada Wakhtigoodu dhamaaday cida Aqlabiyada yeelanaysaana ay maanta tahey Mid ay rajo badan ku qabi Karaan Mucaaridku islamarkaana, sideedaba ah Gacan uur kujirta oo ku xidhan Codka dadweynaha hadaan Komishankanlagu faragalin Arimaha Doorashada.

Isku soo Wada Koob, oo Waxa aynu ka Ogaan karnaa Nuxurka qormadan, Laba qodob oo isbarkan kuwaas oo kala ah Haddii ay Doorashadu ku qabsoonto, Sidii loogu talagalay, Mala furi karraa Ururada Siyaasada? , iyo  Qoddobka kale oo isaguna ah Hadii ay Meesha ka baxaan Golaha Wakhtigoodu Dhamaaday Sidoo kalena, ay Yimaadaan Gole Cusubi Ma isbadeli karaan qorshayaasha Cabsi galintanlabada Xsibi Mucaarid ee ay Xukuumadu Ku sheegtonin.la Furayo Ururada Siyaasada, asal ahaanba Hadii Doorashadu qabsoonto Waxaa Mar walba Guul jooga Labada Xisbi ee Mucaaridka ah.

Allaa Yabaarik Cabdiraxmaan Nuux Axmed (hiiraan)

Hargeysa,Somaliland

 

COMMENTS
LINKS