Somaliland Hoyga Dib U Dhiska Dawladnimada Iyo Dimuqaradiyada Geeska Africa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Hoyga Dib U Dhiska Dawladnimada Iyo Dimuqaradiyada Geeska Africa.
April 13, 2021 - Written by Editor:

Jamhuuriyada somaliland waxa ay ka soo jeedaa labadii gobol Ee la kala odhan jiray somaliland british protectorate iyo italian Somaliland ee ku midoobay dawladii jamhuuriyada somalia 1-July-1960, waxaa ay dib dawladnimadii ula soo noqotay ka dib Burburkii dawladii jamhuuriyada somalia ee 1990, isaga oo Cimriga dawladaasi ama inta ay jirtay uu noqday mudo 30 Sanadood ahaa 1960 ilaa 1990 oo ay burburtay.

Somaliland 1991 waxa ay sameysay dib u heshiisiin dadka jamhuuriyada somaliland ah iyo nabadayn , shirkii koowaad na waxa lagu qabtay magaalada burco halkaasi oo lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada qaranimada jamhuuriyada somaliland ee 26 june 1960 uu dalkani ka qaatay boqortooyada ingiriiska.

Somaliland 1993 waxa ay sameysay talaabadii labadii ee adkaynta dawladnimada , nabada iyo walaalaynta shacabka jamhuuriyada somaliland waxaana shirkii borama lagu qabtay shirkii labaad oo ay xukuumadii ka soo jeeday s.n.m talada dalka ugu soo celisay shacabkooga , halkaasi oo lagu soo doortay xukuumad cusub laguna ansixiyey laba axdi oo kala ahaa axdi qarameed lagu sii dhaqmo inta dastuur la sameynayo iyo axdi nabadeed sida dadku u wada noolaanayaan , qaabka hub ka dhigista loo sameynayo iyo labadii beelood ee wax kala gaadhaan sida ay u kala baxayaan.

Somaliland 1997 waxa la qabtay kulankii sadexaad ee dadka jamhuuriyada somaliland ku shiraan isla markaana lagu soo doorto xukuumadii iyo goleyaashii sadexaad ee dalka hogaamin lahaa laguna ansixiyo qorsheyaasha mustaqbalka iyo wadada cusub ee loo gudbi doono , shirkani waxa lagu qabtay magaalada hargeisa.

Somaliland 31-may-2001 waxa ay u dareertay afti dastuur si shacabka jamhuuriyada somaliland ugu codeeyaan dastuur afti dadwayne , waxaana dastuurka dalka jamhuuriyada somaliland lagu ansixiyey 97% cod ah ogolaansho .

Somaliland waxa laga hirgaliyey nidaamka dimuqaradiyada iyo Asxaabta badan oo dastuurka dalku sheegayey sanadkii 2002 Oo tartankii koowaad uu dhacay , halkaasi oo ay ku tartameen Doorashadii dawladaha hoose 6 urur siyaasadeed oo 3 ka mid ah loo aqoonsaday axsaab siyaasadeed .

Somaliland waxa laga hirgaliyey doorashadii madaxweynaha oo Shacabka jamhuuriyada somaliland ay gacantooda ku doortaan madaxweynaha ay rabaan waxaana ay dhacday sanadkii 2003 bishii april , waxaana lagu doortay madaxweynihii ugu horeeyey ee cod shacbi ku soo baxa iyada oo doorashada lagu kala guuleystay 80 cod oo kaliya.

Somaliland waxa sanadkii 2010-june-26 laga qabtay doorashadii labaad ee madaxwayne shacabku codkooga ku soo doortaan taasi oo ahayd wax ku cusub gobolka geeska africa horumarka doorashooyinka ee somaliland ka hana qaaday iyo dib u dhiska dawladnimada casriga ahi oo aduunka oo dhami ku amaanay laguna qiimeeyey somaliland waxa ka qabsoomay sanadkii 2012 tartankii ururada iyo axsaabta siyaasada doorashadii dawladaha hoose oo ay isagana ku tartameen 6 urur siyaasadeed oo ay ka soo baxeen 3 xisbi qaran oo dalka axsaab ka ahaan doona 10sanadood ee dambe .

Somaliland waxa ka qabsoomay sanadkii 2017 doorashadii madaxweynaha ee sadexaad ee shacabka jamhuuriyada somaliland codkooga ku soo doortaan madaxwaynihii sadexaad oo cod dadwayne lagu doorto , waxaana ay tahay wax ku cusub geyiga geeska africa joogtaynta doorashooyinka dimuqaradiga ahi , somaliland ayaana ah hormoodka dimuqaradiyada iyo dawladnimada casriga ah ee gobolka geeska africa.

Somaliland sanadkan 31-may-2021 waxa mudaysan doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiilada iyo deegaanka oo noqon doonta markii ugu horeysay oo laba doorasho hal mar lawada qabto , waxaana la rajeynayaa in ay guul iyo wanaag ku soo dhamaadaan .

Somaliland sanadka dambe waxa mudeysan doorashadii golaha guurtida 31-may-2022 sida dastuurka dalku dhigayo in ay hal sano uun ka dambaynayso doorashada golaha wakiilada jamhuuriyada somaliland waxaana ay noqon doontaa markii koowaad ee golaha guurtida dib loo doorto mudo 23 sanadood ah oo ay kursiga fadhiyeen .

Somaliland sanadaka 2022 waxa la qabanayaa tartankii ururada Iyo axsaabta siyaasada jamhuuriyada somaliland oo ay ku soo Bixi doonaan sadexda xisbi qaran ee dalka ee 10 sanadood ee dambe u tartami doona doorashooyinka jamhuuriyada somaliland.

Somaliland sanadka dambe 2022 waxa sidoo kale la qabanayaa doorashadii madaxweynaha jamhuuriyada somaliland ee afraad oo shacabku codkooda ku soo doortaan madaxweynaha ay rabaan , hadii xiligeega la qabtona waxa ay noqon doontaa Doorashadii ugu horeysay ee madaxwayne ee xiligeeda lagu qabto.

Qalinkii; Mohamed Abdi Jama

“Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS