Maayarada Magaalooyinka Waaweyn Ee Somaliland Kuwa Marka Labaad Sharaxan, Waa Kee Maayarka Lagu Sugayo, Suuqa Ee Ugu Goddobta Baddani!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarada Magaalooyinka Waaweyn Ee Somaliland Kuwa Marka Labaad Sharaxan, Waa Kee Maayarka Lagu Sugayo, Suuqa Ee Ugu Goddobta Baddani!!
April 13, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(WJN)-Sida aynu Wada ognahay, Marka Dib loo Raaco Sooyaalka Maayarada Mudadii ugu badneyd hayey Xilka Maamulka Golaha Deegaanka Degmooyinka ugu Waaweyn Dalka Somaliland iyo kuwa, ugu Dhaqaalaha badan labadaba Waxaa jirra Awoodo ay Isticmaaleen Qaar kamid ahi Maayarada Wakhti Xaadirkan Doorashooyinka soo Socda Mar labaad Damacsan in ay kasoo Qeyb galaan Mar kale golayaasha deegaanka doorashada soo socota.

Marka hoos loogu Dhaadhaco Xanshashaqa Magaalooyinka qaarkood Yaala iyo Xanta ay Dadweynuhu isla dhex Marayaan Ee ku aadan Sida ay Maruun u Beegsan doonaan in ay arkaan Maayarkii ku Tagri faley, Awoodaha dheeraadka ah islamarkaana, Ay habayaraatee Waayeen cid ay uga Dacwoodaan hadey Noqoto Hay,adaha Garsoorka, Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Meel kasta oo ay kula Eeran Karaan Culayska,Cadaadiska iyo Awoodaha Maayarku u adeegsadey.

Haddaba Inkastoo ay jiraan Maayaro Badan oo la Wadaaga, in ay iyaga laf ahaantoodu adeegsadeen Awoodo dheeraad ah haddana xaqiiqda laga duulayo Halka ugu Daran ee Maanta Farta lagu Fiiqi karro Waxa Safka hore kaga jira Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, oo Bulshada kale ee Somaliland had iyo jeer ku ayidsan yihiin indho-sarcaadka iyo Dhalanteedka Beenta ah ee uu had iyo jeer ku qandaraastey Warbaahinta Noocyadeeda kala Duwan haba u badnaadeen Mulkiilayaasha Talafishanada Madaxa banaan iyo Wakiilada u jooga Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, oo aan habayaraatee iyagu Marna baahinin Codadka Shacabka ku nool Magaaladaasi.

Waxaan Tiro iyo Cadad Laheyn Shakhsiyaadka kamid ah Bulshada ee uu Awoodaha dheeraadka ah u adeegsadey Mudada Tobanka Sano iyo dheeraadka ah Dadka uu ka Qaadey Dhulka, Danyarta uu Bara kiciyay iyo Kuwa uu Xabsiyada ku gurey isagoo adeegsanaya Dhaqaale Ciidamo iyo Awoodiisa Shakhsiga ah ee Maayarnimo, Waxaana jirra Xataa Xildhibaano Katirsan Golihiisa, oo uu Gacanta ula tagey, Iyadoo uu jiro Dilaalka ugu Weyn ee isaga Gacantiisa midig ah kaas oo ka mid ah Ganacsatada Magaalada Cabdiwahaab Caqli yare, iyo Xildhibaanka ay isku lamaan yihiin oo isaguna Gacanta Sadexaad Wax ku Dila Horena loo odhan jirey Mixiiska oo Shaqaale badan iyo Dad Xuquuq ku lahaa D/hoose banaanka u tuurey kuna tacadiyeen.

LASOCO QEYBAHA KALE

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS