Halkanka Akhri; Maansada “Adaa Duubka Noo Xidho… Ereyadii Abwaan Cabdi-Tahar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkanka Akhri; Maansada “Adaa Duubka Noo Xidho… Ereyadii Abwaan Cabdi-Tahar.
April 13, 2021 - Written by Editor:

Maansadan dulucdeedu waa in shacab weynaha reer Somaliland lagu wacyi-geliyo; SIDAY WAX U DOORANAYAAN.  Waxay diiradda saaraysaa ka fiirsashada kala xulashada Musharraxiinta dalka ee u tartamaya doorashada innagu soo Foolka leh.

Waxa aanay soo baxday 16.Feb. 2021. Ugu dambayn maansadu Waxay dhiiri-gelinaysa in sifooyinka wanaagsan mas’uulka lagu Doorto,  lagana feejignaado in loo cumaamado qof la lagu Hungoobi doono xilka loo igmanayo gudashadiisa.

Digtan ii baxaysiyo

Quuloow durbaannada

Laysku dooran maayee

Damaciyo kursiga sare

Markay doorashada tahay

Damman iyo hal-dooriyo

Dadku maanta kala baray

Lugo duwashadiisiyo

Damalkiyo hadhkuu rabo

Nin u daadahayn kara.

Ducufiyo kanay xiga

Laysku dooran maayee

Waxaa laysku daba gali

Ama laysku door-bidi

Shicib waayo daranoo

Kala daran kusoo jiray

Nin u diran siduu rabo.

Dhaaxay dad qalatadu!

Noo kala dambaysee

Adna duubka noo xidho

Laysku dooran maayee

Waxaa looga diga-rogan

Mar ku dagge hadduu shalay

Kugu daggay dantiisii

Adna maanta haw dagan.

Dhafoor dakhar ku yaalaan

Nabar kale dul dhigayaa

Laysku dooran maayee

Fikir durugsan baa yidhi;

Waxaad doonaysana gudo

Waxaad diidaysana garo

Noloshana ha galin diiq.

Dabno beenta quutiyo

Dhago bari dabooshoo

Ku dalaca fartiinaa

Laysku dooran maayee

Dagamsane il-duuf jecel

Waxaa daaqad kala bixi

Sidu rabo dadwaynuhu

Nin dariiqa ula mara.

Distoorkaynu dhiganiyo

Sharcigeenu waa dabar

Danyartiyo ninkaw diran

Lagu kala dabbaalee

Nimaan daacad simi karin

Igu daba-gal taan rabo

Laysku dooran maayee

Waxaa laysku dubaridi

Rag u dhaama duulkaa

Laga dumay dhankoodiyo

Baarlamaankan dacaroow

Ilaa doorkan maantaa

Labadooda daaniyo

Dalqadooda oo qudha

U danaysanaayee

Dacalkoodii laga jabay.

Deellaydu Siidhoow

Waa talo dardaarana

Waxay nooga digaysaa

Kala doorashada laba

Lagu durro ka liitee

Xulo daahir yaa shamis

Nimay diini hagaysoo

Caqligiisu dihin yahay.

Xulo daahir yaa shamis

Ruuxaan dinaahiga

Sidii dibi tigaad cunay

Kula jiidhin dibbirada.

Xulo daahir yaa shamis

Ruuxaan ka dawdamin

Darka yaal dhexdeenoo

Damiirkiisu nool yahay.

Xulo daahir yaa shamis

Haddii ay daruuruhu

Dusha kaa hadheeyaan

Diric soo sasabi kara

Marka uu duceeyaba.

Xulo daahir yaa shamis

Nimaan dalab lahayniyo

Diric laysku aamino

Digaaliyo nin daahira

Laysku doorsan maayee

Xulo daahir yaa shamis

Danta qaranku leeyahay

Nin daluun ka bixin kara

Dalcad dheerna marin kara.

Xulo daahir yaa shamis

Haddii duulimaad dhaco

Dalka iyo dadkiisaba

Nin dagaal u gali kara

Cadawgana ka daafaca.

Xulo daahir yaa shamis

Qofka doonistiisiyo

Damaciisa rabitaan

Isagoo ku daba jira

Danta guudna wadi kara

Xirrib-durugsanaantiyo

Dun ku xulashadiisana

Ninka ragga ku daba soco.

Xulo daahir yaa shamis

Arrimaha dadwaynaha

Daraf iyo ilaa daraf

Lagu dooge lagu dago

Lagu dire kuu dan ah

U damqade daryeel badan

Dabacsane u daacada

U darbane dedaal badan

Kama daale hiigsiga

Ka dakaami waayoo

Rabitaanka dihan kara.

COMMENTS
LINKS