Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, Oo Aas Qaran Lagu Sagootiyay, Iyo Wiilkiisii Samater Oo Xabaasha Dusheeda Lagu Caleema Saarey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, Oo Aas Qaran Lagu Sagootiyay, Iyo Wiilkiisii Samater Oo Xabaasha Dusheeda Lagu Caleema Saarey.
April 14, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Kadib Markii Dawlada Jabuuti, ay si hagar bax  ah uga Hawl gashey Soo Qaadista Meydka Marxuum Suldaan Ibraahin, oo ay Isla Saaka Madaarka Hargeysa lagu Keenay Diyaarad Khaas ah, Waxa jinaasadiisa kasoo Qeyb galey Madax Dawlada Jabuuti Katirsan, Madax-dhaqameed iyo Masuuliyiin Dawlada Itoobiya iyo Ta Ismaamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida, iyo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland iyo Waliba Xubno Tira badan oo Golaha Xukuumada ah.

Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, oo kamid ahaa Tiirarka ugu Muhiimsan ee Madaxdhaqameedka Somaliland, Waxa uu Kasoo Qeyb galey, Maraaxil Fara badan, oo Dhinacyada Shirarkii Nabadda Somaliland, iyo Arimaha Dhaqanka iyo Waliba Doorka Hurumarinta Bulshada Sida Dhiiragalinta Dhalinyarada ee Dhinaca Waxbarashada Wax Ka qabashada iyo Ka Warhaynta, Arimaha Aasaasiga ah oo ay ugu horeeyaan Dugsiyada,Jaamacadaha,Waxbarashada Quraanka,iyo ka Qeyb Qaadashada Qaadhaanka Dhismayaasha Xarumaha Caafimaadka iyo Waxbarashadaba, intaba.

Mudadii uu Marxuumku Noolaa, Waxa uu Mar Walba joogto,  intii ugu badneyd ku ahaa Gobolada Awdal iyo Gabiley, oo uu Labadaba Qeyb ka ahaa Doorka Arimaha Bulshada, Doorka Siyaadadeed, iyo Dhaqdhaqaaqyada Guud oo dhan, illaahay Naxariistii jano haka Waraabiyo Marxuumku Wuxuu kamid ahaa Dadka aan Qarsan, Waxa ay Uurka ku hayaan, oo aan Munaafaqada iyo Diblamaasiyada Aqoon haseyeeshee, Waxa uu Diidana Diida, Waxa uu Raali ka yahayna Ka midha dhaliya.

Sidii aan hore u Sheegay, Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, Waxa uu ahaa Mucalim Jaamici ah, isagoo Wax kasoo dhigay, Dalkii hore ee Soomaaliya la isku odhan jirey, iyo Waddanka Yamen Waxaanu Xilka Saldanada Kala Wareegay Allaahu Yarxame, Walaalkii Suldaan Maxamed Jaamac Samater oo Burburkii Soomaaliya Xiligaas Geeriyooday, Aaskiisa Maanta ayaa Mar kale Loo Caleema Saarey, Wiilkiisii Curad, Xilkii Suldaanimo Samater Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, arintaas oo ay Madaxdhaqameedka, Beelaha Maxamed Case, iyo Kuwa Samaroonba Go,aamiyeen allaha ku Asturo Xilka isaga laf ahaantiisu Wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacada Camuud, allaha u Fududeeyo Hawsha Dhaqanka.

Eebe Samir iyo iimaan Saadiq Haka Siiyo Qoysaskiisii, Qaraabada, Ehelada, iyo Dhamaan Bahda Dhaqanka iyo Bulshada Labada Gobol Awdal iyo Gabiley iyo Guud ahaanba Somaliland.

Suldaanku Waxa uu Ifka kaga Tagey Laba Xaas iyo Tabaneeyo Caruur ah oo Rag iyo Dumarba leh.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS