DAAWO;-Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Oo Hawlgalo Ay Ku Beegsanayaan Gaadiidka Yar Yar Ee Bijaajka Ka Fuliyay Magaalada Wajaale, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Oo Hawlgalo Ay Ku Beegsanayaan Gaadiidka Yar Yar Ee Bijaajka Ka Fuliyay Magaalada Wajaale,
April 15, 2021 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Magaalo ganacsiyeedka Tog Wajaale ayaa maalmihii udanbeeyay maamulka gobolka iyo ka degmadu ka fuliyiin hawlgalo loogu kuurgalayo xaalada Abni ee magaalada kuwaasi oo daba socday xal uhelida dab gubashadii ay kusoo noqnoqdeen guryaha magaalada.

Sidoo kale ciidanka Nabadgalyada wadooyinka oo habeenkii xalay ahaa hawlgalo ka fuliya gudaha magaalada wajaale ayaa waxay kusoo qabqabeen gaadiidka yar yare e bajaajka oo iyagu ah kuwo ugu tirade badan ee ka shaqeeya gudaha magaalada iyagoo ka fu furay sameecado waawayn oo ay isticmaalaan iyo dhalinyrada wada oo ay hubinayeen dhaqankooda iyo qaabka ay timaha uxiirtaan.

Taliyaha qaybta taraafikada ee gobolka gabiley iyo degmada wajaale ayaa ka hadlay hawglada ay ka fuliyeen gudaha wajaale iyagoo fariin udiray waalidiinta wadayaash gaadiidka bijaajka oo ay ugu baaqeen in  ay lasocdaan imadoodu waxa ay ka shaqeeyaan iyo waxyaabaha ay habeenkii ku maqan yihiin.

Dhanka kale masuuliyiinta ciidankaNabadgalyada wadooyinka ayaa sheegay in ay qorshaynayaa istaan ugaara gaadiidka bijaajka oo ay samaynayaan iyagoo la kaashanaya maamulka degmada wajaale.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS