Jadwalka Khayrka Ramadaanta. Q/2aad. Tabintii; Axmed Cali Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jadwalka Khayrka Ramadaanta. Q/2aad. Tabintii; Axmed Cali Kaahin.
April 15, 2021 - Written by Editor:

Waxay inoo joogtay labbada wakhti ee Subaxa ka hor iyo kadib camalada la qabanaayo qaybtii koobaad maanta qaybtii 2aad.
DUHURKA               الظهر

1;Aadaanka masaajidka tag intaan salaada la galin, wakhtigaasi waa wakhtiyada ducada la aqbalo, ducayso oo tuko 2 rakcadood ee ka horeeya 4 kadambeeya salaada duhurk . قال ابن مسعود رضي الله عنه : ( إن رسول الله علمنا سنن الهدى وإن من سنن الهدى الصلاة في المسجد الذي يؤذن فيه ) رواه مسلم

2;Jidhkaagu xaqbuu kugu leeyahay, nasasho qaado. وإن لبدنك عليك حقاً

CASARKA          عصر

1;Aan ku dadaalno in masaajidka hore u tagno, sunayaashana tukano.  قال النبي صلى الله عليه وسلم : ( رحم الله امرءاً صلى قبل العصر أربعاً ) رواه أبو داود والترمذي

2;Dhagayso wacdi, haddii Masaajidka ka socod, ajar wayn baan ku kujira. : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من غدا إلى المسجد لا يريد إلا أن يتعلم خيراً أو يعلمه الناس كان له كأجر حاج تاماً حجته ) رواه الطبران

3;In aan fadhiga masaajidka, barano khayr badan baa ku jira. : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من غدا إلى المسجد لا يريد إلا أن يتعلم خيراً أو يعلمه الناس كان له كأجر حاج تاماً حجته ) رواه الطبران

4;In aad wayso qaadato, masajidkana tagtaa, waa booqde Rabbi martidana xaqeedu waa in la karaameeyaa. : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من توضأ في بيته فأحسن الوضوء ثم أتى المسجد فهو زائر الله وحق على الموزر أن يكرم الزائر ) رواه الطبراني بإسناد جيد .

MAQRIB     مغرب

Ku dadaalid ducada, marka cadceedu dhacdo. قال النبي صلى الله عليه وسلم (ثلاثة لا ترد دعوتهم وذكر منهم الصائم حتى يفطر ) أخرجه الترمذي

Afur, cunid adoo ducaysana. Lehna ducadan. ذهب الظمأ وابتلت العروق وثبت الأجر إن شاء الله تعالى ) رواه أبو داود .

In cid kula afurtaa musliminta baahaan waa ajar iyo fursad qaaliya

Salaada jamacada hore u gaadh

Masaajidka fadhiiso, akhriso adkaarta habeenkii waxaana laga helikaraa kitaabka Xisnul muslim aad soo dajisan karto ama iibsan karto adkaar badan oo dhaxal gala dhex ceegaagta kitaabkaasi.

Kulan waxbarasho u qabo xaafada, waa barakee. ( وإن لزوجك عليك حقا

U diraar garaw salaada Cishaa’i iyo taraawiixda, iyo cunto fudud
CISHAA’IGA      العشاء

1;Salaad cishaa’i jamaca gaadh , iyo safka hore

2;La dhamayso taraawiixda imaamka ajarwayn baa la dhamasiga ku soo arooray. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من قام رمضان إيماناً واحتساباً غفر له ما تقدم من ذنبه ) رواه البخاري ومسلم

3;Dib baad u dhigan kartaa Witriga ilaa habeenka xagiisa dambe haddaad karayso. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( اجعلوا آخر صلاتكم بالليل وتراً ) متفق عليه
BARNAAMIJ FURAN                                                   برنامج مفتوح

Booqashada qaraabada gaar ahan waalidiinta, iyo asxaabta, jaarka, falgalinta wacyigalin diiniya, iyo adeeg bulsheed, cilmi korodhsi

Axkaam. Adaab, iyo habdhaqan, cashar xaafada, laylin naftaada ah, ka qayb gal arrimaha xaafada ee gargaarka bulshada. Naxariis iyo amaani Nabigeenii dushiisa ha ahaato.

Idamka Allaah waxa xigi doona qaybtii 3aad.

Eray Tabintii Axmed Cali Kaahin.  Xigassho  المـصـدر : صـيد الفـوائـد

COMMENTS
LINKS