“Golaha Wakiilladu Mar Haddii Ay Golaha Kasii Tagayaan Waxaa Looga Baahnaa Inay Si Milgo Leh UTagaan, Laakiin Inay Muran Iyo Khilaaf Abuuraan Uma Qurux Badna”Muj Xasan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Golaha Wakiilladu Mar Haddii Ay Golaha Kasii Tagayaan Waxaa Looga Baahnaa Inay Si Milgo Leh UTagaan, Laakiin Inay Muran Iyo Khilaaf Abuuraan Uma Qurux Badna”Muj Xasan
April 15, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Guddoomiyihii Hore Ee Jimciyadda Mujaahidiintii SNM Ee Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed, xilligana ka tirsan Xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa ku baaqay in aad looga fogaada loogana feejignaado wax kasta oo qaranka hagardaamo ku ah, waxaanu ku baaqay in dalka ay ka qabsoomaan Doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Guddoomiyihii hore ee Jimciyadda Sooyaal Mujaahid Xasan Cabdi Maxamed, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waynu aragnaa Xaaladda ay maanta Soomaaliya ku sugan tahay, ee taladayadu waa inaynu wax walba hagaajisano, oo aynu Mucaarad iyo Muxaafidba aynu iska ilaalino wax kasta oo dib u dhac iyo dib u socod ku keenaya Qarankeena, kolay waan arkayey qaabka uu Xisbiga Kulmiye uga dareen caliyey Xeerkii ururrada siyaasadda ee Golaha Wakiilladu ansixiyey, Golaha Wakiilladana mar haddii ay Golaha ka sii tagayaan waxaa loo baahnaa inay si milgo iyo maamus leh  u tagaan, laakiin inay muran iyo khilaaf abuuraan uma qurux badna”

Mar wuu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi “Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ayaa inoo qabsoomi doona bisha dambe dhammaadkeeda, waxaana rejaynaynaa inay Doorashooyinkaasi noqdaan Doorashooyin xor iyo xalaal ah, Komishanka Doorashooyinkuna waa inuu mar walba xaqsoorka iyo cadaaladda ku dedaalnaa”.

Dhanka kale, Guddoomiyihii hore ee Jimciyadda Mujaahid Xasan Cabdi Maxamed, ayaa ku baaqay in maaddaama lagu jiro bishii Ramadaan, abaarana jiraan in loo baahan yahay in gurmad lala gaadho dadka ay abaaruhu saamaynta xooggan ku yeesheen.

 

COMMENTS
LINKS