Maayarka Magaalada Gabiley Oo Markale Nasiib Uhelay In Uu Ku Tartamo Lambarka#201# Eu Uu Ku Tartamay Doorashadii 2012. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Magaalada Gabiley Oo Markale Nasiib Uhelay In Uu Ku Tartamo Lambarka#201# Eu Uu Ku Tartamay Doorashadii 2012.
April 17, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Oo Markale Usharaxan golaha deegaanka Degmada Gabiley ayaa Nasiib uhelay in calaamadiisu Amaba Lambarka uu ku tartamayaa In uu noqdo Lambarkii uu tartamay doorashadii golaha deegaanka ee 2012 oo islamarkale iyo uu ku tartamayo doorashada 2021 kaasi oo uu Lambarkiisii yahay kii uu ku tartamay doorashadii hore 2012 NO;201 Isagoo bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka gabiley ku wargaliyay in ay sidaan ula socdaan Lambarkiisa 201 Oo uu Inshallah markale Ku Guulaysan doono In uu kamid noqdo golaha deegaanka gabiley si uu usii Dhamaystiro Himilooyinkiisa uu ku horumarinayo Magaalada Gabiley Iyo degmooyinka kale ee gobolka Gabiley oo mudadii uu Hayay Xilka Maayarka magaalada ee Uu Hada hayo uu ku guulaystay In uu ka hirgaliyo Horumar balaadhan oo ka dhexmuuqda guud ahaan degmooyinka gobolada Somaliland isagoo ku suntah maayarkii Waxqabadka ee ay ka markhaati kaceen bulshada ku dhaqan gobolka gabiley..

Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa qoraal kooban uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebook wuxuu  fariin Ugu Diray uu bulshada reer gabiley kuwaasi  Uu ku wargaliyay  Lambarka uu ku Tartamayo ee 201 waxay udhignayd Sidan;

“Bulshadayda Sharafta Leh, Waxaan La Socodsiinaya Inaan Ku Tartami Doono Doorashada Golaha Deegaanka Ee Gabiley 2021 Isla Numberkii Aan Ku Tartamay Doorashadii 2012. #201.

 

 

COMMENTS
LINKS