Musharraxiin Samaystay Calaamado Aanu Soo Saarin Komiishanka Doorashooyinku Iyo Sawirka Arrintaasi Ka Bixinayso Awoodda Maamul Ee Komiishanka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharraxiin Samaystay Calaamado Aanu Soo Saarin Komiishanka Doorashooyinku Iyo Sawirka Arrintaasi Ka Bixinayso Awoodda Maamul Ee Komiishanka!
April 21, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa (W.N) – Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa badhtamaha Toddobaadkii hore waxay soo saareen Calaamadaha ama Astaamaha Musharraxiinta u tartamaya doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka.

Komiishanka ayaa Musharraxiinta Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE uga tartamaya Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka u qaybiyey Calaamado ama Astaan lagu garto marka la gaadho Cod-bixinta doorashada.

Musharraxiinta Golaha Wakiillada u tartamaya, Komiishanku wuxuu u sameeyay Calaamado u gaar ah, sida Gaadhi, Maroodi, Ul, Moobayl iyo wixii la mid ah, halka Musharraxiinta Goleyaasha deegaankana uu u sameeyay Lambarro ama Tirooyin kala duwan, kuwaasi oo Taageerayaashoodu ku aqoonsan doonaan marka la gaadho Maalinta Cod-bixinta.

Hase-yeeshee, Musharraxiin ka mid ah kuwa u tartamaya Doorashadaasi, ayaa baal-maray Sharciga doorashada ee Maamulkiisa uu komiishanku u xil-saaran yahay.

Musharraxiinta qaarkood, ayaa Maalmo uun ka dib markii Komiishanku soo saaray Calaamadaha, waxay samaysteen Calaamado ama Astaamo aan ahayn kuwii Sharciga ahaa ee Komiishanku soo saaray, arrintaasi oo Dadka badankiisu aad ula yaabay.

Musharraxiinta qaarkood ayaa si furan u soo bandhigay Astaamaha ay iyagu samaysteen, waxayna durba ku samaysteen Boodhadhkooda ama Istiikarrada ay xayeysiis ahaanta u samaysteen.

Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaan illaa hadda arrintan ka hadal, laakiin Dadka qaarkood ayaa aaminsan haddii uu hadda wax ka qaban waayo ama uu horjoogsan waayo khaladaadka Musharraxiinta qaarkood ku kacayaan inay tilmaan u noqon karto Awoodda dhanka Maamul ee Komiishanka, taasi oo su’aal gelin karta natiijada shaqooyinka waaweyn ee Komiishanka u hadhsan.

 

COMMENTS
LINKS