Habeen Muu Jirin Qofka Reer Somaliland Ee Xisbiga Waddani Rajo Ka Sugayaa!W/Q;Mohamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Habeen Muu Jirin Qofka Reer Somaliland Ee Xisbiga Waddani Rajo Ka Sugayaa!W/Q;Mohamed Dhimbiil.
April 23, 2021 - Written by Editor:

Qoraalkaygu kuma socda dadka ka sharaxan xisbigaasi , Goleyaasha deegaanka iyo wakiilada ee wasiilo ahaan ama sida Sharcigu sheegayo ay tahay in uu qofku sadexda xisbi mid iska Soo sharaxo ileyn ma jirto wax kale oo mabaadii ah oo lagu Mideysan yahay e.

Horta waxa uu ahaa xisbiga ugu da’yar isla markaana u Muuqday meel hadimadii Kulmiye iyo Udub ba qaranku kaga soo kaban karo laakiin waxa uu hoy u noqday intii dalkani baabiisay dadkiisana kala geysay iyo qayb kooban oo meel ay siyaasada kaga jirto uun ka dhigatay.

 

Waxa hogaankiisa ah waxii Somaliland talo xumo ka soo dhacday dadkii wadey iyo kuwii xiligaasi lahaa masuuliyada ay ku hor istaagi karaan ee aan maalin buus odhan oo reero iyo beelo dabada galiyey si ay dadka cod uga helaan.

Waxa aanu aheyn dadkii ku hungoobay ee moodayey in nasri dalka u soo muuqday laakiin waxa noo muuqatay in kuwii aanu ka yaacaynay qaar ka darani isku soo urursadeen , damiirkaygu ima siinayo meel aanay rajo umadeed ka soo muuqan in aan dan shaqsiya u sii taageero.

Sababta xisbiga Waddani sida fiinta uga qaylinayaa in ururadii Siyaasada la furayo oo la xiiqsan yihiin rag badani maaha Nasteex umadeed ee waa dano shaqsiyaad iyo aargoosi Siyaasadeed oo ay fursad u arkaan in Waddani yimaado talada , Hoosna waxa ay u og yihiin in hadii ururada la furo nin waliba Urur sameysanayo.

Wali imay soo marin Somaliland maalin ay ka ayaan iyo arag xun tahay marka aad eegto dadka ku kaliyeystay hogaaminta qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo axsaabta qaranka hadii aan ururadii siyaasada la furina dadka jamhuuriyada Somaliland way isweydiin doonaan qarankani iyo halka uu ku dambeeyo.

Ha ku hodmin xaflado qurux badan oo calamo badani yaalaan oo meel qurux badan lagu qabtay oo xisbiyadu dhigtaan , ee bal dadku sida ay ku yimaadeen isweydii,  waxa lagu wada socdo ka feker iyo qaabka loo tartamayaa waxa uu dhali doono maadaama aynaan haysan xisbiyo aragti iyo mabaadii leh oo dadku afkaar ku bahoobaan.

Dalku waa laba xisbi iyo jaran-jaro lagu gaadhayo kuraasida goleyaasha qaranka labaduba waxa ay ka soo jeedaan hal xisbi oo is dhex socda , waxa aanay jilayaan in ay axsaab qaran yihiin sida dawlado badan oo jaararkeena ahba loo jilo xisbiyo.

Waxa aad isweydiin kartaa muxuu Waddani ugala soo baxay sadexda xisbi , waxa aan ugala soo baxay waa xisbiga kale ee kan hadda meesha jooga xaga is-abaabulka iyo ku tiirsanaanta xoogaga beelaha ka matala ee u diyaarsan in ay dalkani Qabsadaan , waxa aan leeyahay kuwa jooga iyaga waynu Aragnaa , laakiin habeen muu jirin qofka xisbiga Waddani rajo ka sugayaa ee is leh Somaliland iyo dal buu isbadel u soo socdaa… !!!

“Dedaalkeenu Yuu Noqon Maxaa Daal la Korodhsadey ”

QALINKII;-Hogaamiye Mohamed Abdi Jaamac

“Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS