Xaaladaha Somalia Waxa Ay U Muuqdaan In Taariikhdu Mar Kale Dib Isku Soo Celisay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaaladaha Somalia Waxa Ay U Muuqdaan In Taariikhdu Mar Kale Dib Isku Soo Celisay!
April 27, 2021 - Written by Editor:

“Waxa Ay u Muuqataa In Taariikhdu Dib Isku Soo Celisay “ History Repeats By Itself ”Mahamed Dhimbiil.

Sida taariikhda ku xusan Somalia waxyaabihii ay ku burburtay Kaliya may aheyn jabhadihii gudaha dalka kaga kacsanaa waxaa ka weynaa aragti la’aan siyaasadeed iyo indho la’aan is maqiiq ku saleysnayd oo aduunka ka horkeentay.

waxaana loo tiriyaa dagaalkii Somalia iyo Ethiopia dhex maray 1964 laga soo bilaabo ilaa 1991 in uu jamhuuriyadii Somalia dagaal ku socday, laakiin somalidu dagaalka ay moodeysay uun Xoog laba dal ku kala adkaanayaan oo la isku daynayo.

Dhacdooyinka iyo dagaalka diblomasiyadeed ee aduunku somali ku qaadey waxaa saldhig u ahaa in ay Somalia duulaan ku tahay Ethiopia oo aduunka dalal badani dano ka leeyihiin sidoo kalena ahayd dawlad boqolaal qarni soo jirtay oo facweyn taasi oo sababtay siyaasadii ay Somalia ku burburtay in saldhigeedu ahaa dawladaha jaarka .

Maanta marka aad eegto halka ay xukuumada dawlada federalka Somalia marayso iyo halka uu caalamku taagan yahay,  colaadaha siyaasadeed ee dawladaha Gobolka iyo dawlada federalka Somalia.

Xulafo la’aanta Somalia haysata iyo dalalka ay dhabarka saartay iyo aduunku halka ay kala marayaan marka lagu daro dareenka ka taagan gudaha waxa ay u muuqataa in mar kale hog dheer lagu dhacayo hadii aan caqli iman iyo wax baajiyaa.

Hadii dawladnimadu burburto waxa xoog yeelan doona argagixisada , aduunka iyo dawladaha reer galbeedkuna waxa ay hubeyn doonaan hogaamiye kooxeedyo la dagaalama sidii hore u jirtay , dadka soomaaliyeed iyo dalkoodu waxa uu noqon doonaa meel xataa hubka cusub iyo sunta la sameeyoba lagu tijaabiyo.

Somalia na waligeed waxa ay ahaan doontaa madal iyo goob lagu dagaalamo ,  lagu kala adkaado la isku tijaabiyo, hadii maanta ay burburto dawladaasi sidii shirkii Garowe 2 la iskula soo qaadey Somalia waxa maamuli doona aduunka iyo qaramada midoobay, waxaana la isku dayi doonaa si kasta oo loo maamuli karo in loo maamulo.

Dadka in koobani waxa u muuqda is-riix riixa kursiga iyo intan muuqata laakiin dagaalka Somalia lagula jiraa waa mid ka qoto dheer , xataa dawladaha jaarku ma rabaan in ay dhisnaato ,  in ay laba dal oo is aqoonsan kala noqoto iyo in ay degto oo xasiloonaato toona , ilaa iyagu sida ay rabaan iyo cida ay rabaan ay keensadaan oo maamulka u hayaan mooyaane.

Dadka soomaaliyeed waxa la gudboon in ay buurta dhinaca kale ka soo istaagaan si ay u arkaan waxa jira si aanay mar dambe ugu burburin waxii hore ugu soo dhacay , sidoo kale intan mudada lagu tabcayey ee la isku keen-keenay aanay u kala qubanin oo waxa la diidan yahay wax ka darani aanu ku soo bixin .

Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka soomaalida haysta ilaa maanta ma fahamsana waxaana ay ka dhex baadhayaan qof , Madaxwayne hebel hadii la rido dalku wuu dhismayaa , hadana ka kale ee la doorto 4 sano ka dib sidii oo kale looga horyimaado , waxa ay dhaleysaa in Somalia si dhab ah cid kale ugu shaqeysato oo dadka is hayaana qoloba qolo uun dhabarka soo saarto dadkaasi si ay taageero uga helaan .

Halka lagu dagaalamayo iyo cida la isku dhex dilayaana ay noqoto dalka Somalia iyo dadkiisa aan 60 ka sanadood ee ay dawladnimada lahaayeen aan helin dawladnimadii ay rabeen , 30ka sanadood ee ugu dambeeyey na uu u dhamaaday rafaadka dawlad la’aanta , barakaca,  burburka iyo dhiiga dadka ee qubanayaa .

Waxa la isku hayo waxa lawada leeyahay ayaa ka weyn,  ka kursiga fadhiyaa yuu maamulayaa hadii la burburo, kuwa kursiga rabaana yey maamuli doonaan halkee se ay maamuli doonaan hadii dalka iyo dadku burburo.

Maanta lama joogo hebel baa qaldan iyo koox heblaayo ee waxa la joogaa xiligii aad ka fekeri lahaydeen sidii aanay Somalia dib ugu noqon dhibaatooyin dadka reer muqdisho iyo dalka inta kalena ku badbaadi lahaayeen,  waayo haduu dagaal bilaabmo lama yaqaan inta uu socon karo iyo halka uu ku ekaan karo.

Anigu walow aan ka soo jeedo Somaliland oo somalia dhib ka tirsanaysay iyo in dawladnimadii lagu dhibaateeyey hadana damiirkaygu ima siinayo in aan ka aamuso hogga iyo halka xun ee somalia lala damacsan yahay iyo in dadkeedu tiih iyo dawlad la’aan ku noolaadaan .

waxa dhacaya aad baan uga damqanayaa ugana xumahay, waxaana aan u soo jeedinayaa hogaanka siyaasada Somalia ha geynina meel aad colaada ka soo celin kari waydaan , ha geynina taladiina meel aadan kala soo noqon karin ee maanta si kasta oo ay idiinku adag tahay isku yimaada oo xal gaadha.

QALINKII;-Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS