Siyaasi Xasan Gadhweyne Oo Tacsi U Diray Ehelkii Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Prof. Cabdilaahi Yaasiin Diiriye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Xasan Gadhweyne Oo Tacsi U Diray Ehelkii Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Prof. Cabdilaahi Yaasiin Diiriye.
April 30, 2021 - Written by Editor:

TACSI;

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30/04/2021 ku geeryooday Caasimada Somaliland ee Hargeysa Marxuum Prof. Cabdilaahi Yaasiin Diiriye, oo 25kii sanno ee u danbeeyey ahaa Agaasimihii Xafiiska Manaahijta ee Wasaarada waxbarashada iyo sayniska Jsl, anigoo ah Xasan Xaaji Mxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) ka tacsiyadaynayaa geeridaasi bahda waxbarashada Somaliland, qoyska, ehelada, qaaradii, asxaabtii iyo dhamaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarkii aas-aaska waxbarashada Somaliland, waxaanu ku suntanaa dedaal, daacadnimo iyo hawlkarnimo dheeraada oo Alle hibo u siiyey.

Waxaanan marxuumka ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa janatul fardawsa ka waraabiyo, intii dhimatay ee muslimiinta ahaydna u danbe dhaafo inteena noolna inooga daba-naxariisto.

Aamiin Aamiiin …..

 

 

COMMENTS
LINKS