Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Kaalinta Uu Raysal Wasaare Rooble Ka Qaadanayo Howlaha Doorashooyinka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Kaalinta Uu Raysal Wasaare Rooble Ka Qaadanayo Howlaha Doorashooyinka
May 1, 2021 - Written by Editor:

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey go’aankii ay maanta xildhibaanada golaha shacabka ay ku ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale madaxda ugu baaqday in dib loo bilaabo wadahadalladii doorashooyinka, iyadoo qoraalka QM lagu soo dhaweeyey doorka doorashada ee ra’iisul wasaare Rooble.

“Qaramada Midoobey waxay soo dhaweyneysaa go’aanka Baarlamanka Federaalka dib ugu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, kadib codsigii madaxweye. Waxaan ugu baaqaynaa hogaamiyaasha Soomaalida inay ku noqdaan wadahadalka oo ay diyaariyaan doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin, waxay kaloo QM soo dhaweynaysaa doorka doorashada hogaaminta ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.” Ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay.

COMMENTS
LINKS