Gudoomiye Kuxigeenkii Baanka Dhexe Ee Somaliland Marxuum Prof Cumar Aw Yuusuf Buux Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Kuxigeenkii Baanka Dhexe Ee Somaliland Marxuum Prof Cumar Aw Yuusuf Buux Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa,
May 1, 2021 - Written by Editor:

INAA LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN

HARGAYSA(W,N)-Alle Ha,unaxariistee waxaa maanta magaalada Hargaysa ku geeriyooday Gudoomiye Kuxigeenkii Baanka dhexe ee Somaliland Marxuum Cumar Aw Yuusuf Buux (Cumar Gows) oo mudo cisbitaalka guud ee Hargaysa ujiifay Xanuun Haleelay.

Marxuum prof cumar aw yusuf ayaa mudo 10sano ku dhow ahaa gudoomiye kuxgeenka baanka dhexe ee Somaliland isagoo door laxaadle ka qaatay hirgalinta hanaanka baanka Somaliland iyo xal uhelista sarif bararkii lacagta Somaliland oo mudooyinkii udanbeeyay salka dhigtay

Sidoo kale Marxuum Prof Cumar Gows ayaa kamid ahaa barayaashii jaamacada hargaysa isagoo soo noqday Dhiinta dhaqaalaha ee jaamacada hargaysa

Dhanka kale Alle Ha,unaxariistee Prof Cumar ayaa kamid ahaa hormuudkii ururka Snm ee ku guulaystay in ay gayiga Somaliland ka rideen rajiibkii siyaad bare lana soo noqdaan madax banaanida jamhuuriyada Somaliland isagoo kazoo qayb qaatay dib dhiskii iyo yagyeelkii Somaliland.

Marxuumka ayaa maalinta bari ah lagu aasayaa xabaalaha malowle ee galbeedka magaalada hargaysa iyadoo maydkiisa laga qaadi doono gurigiisa oo ku yaala xaafada shacabka agagaarka halkii uu ooli jiray ijiinka balayle amaba guryaha ka danbeeyay xafiiskii ay deganaan jirtay haayada Unicef ee kazoo horjeeda xarunta sirdoonka Somaliland

Waxaanu halkan tacsi uga diraynaa Guud Ahaan shacabka Somaliland Qoyskii iyo qoraabadii uu ka baxay marxuumku gaar ahaan cauurtiisii samir iyo Iimaan Alle haynaga siiyo marxuumka Ilaahay su,aasha Qabriga Ha,ududeeyo  janaful mardowsa alle ha geeyo Aami Aamin

 

COMMENTS
LINKS