Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Eedo Culus Ujeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Dabagale, Soona Bandhigay Arin Uu Kula Kacay Musharax Xidhan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Eedo Culus Ujeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Dabagale, Soona Bandhigay Arin Uu Kula Kacay Musharax Xidhan.
May 2, 2021 - Written by Editor:

“Doorashadani Waxay Ka Shiftay Haayadaheenii Dawladu In Aanay Jirin”Gudoomiye Faysal.

“Booliskii Waxaa Loo Dhiibay Inan Yar Oo Reer Hargaysa Oo Markii Horena Uu Xirsi Waalay Xidig Xidig,”Faysal cali Waraabe.

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali waraabe oo caawa ka hadlayay madal xisbiga uqabtay musharax katirsan ayaa Si kulul ucanbaareeyay xadhiga ay xukuumadu kula kacday musharixiin xisbiga ucid ka sharaxan oo qaarkood xidhan yihiin,halka qaarkale tartanka lagaga reebay xoog iyo dhaqaale lagaga been sheegay shahaadooyinka ay sitaan,

Sidoo kale gudoomiye faysal ayaa sheegay ayaa dhaliilo culus ku miisay madaxwayne biixi oo uu sheegay in aanu lahayd cid dadka qabata isagoo ka waramay sida  ay isku milmeen haayadihii dawlada lana fowdeeyay meelihii inoo fayoobaa booliska

Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga ucid ayaa eedo culus ujeediyay taliyaha ciidanka booliska oo uu sheegay in uu yahay inan yar oo xirsi waalay islamarkaana aan garayn shaqada ciidanku waxay tahay isagoo soo bandhigay arin uu kula kacay musharax ka sharaxan berbera oo xidhan islamarkaana uu abti uyahay oo uu ula tahay arimo ka hor imanaya masuuliyada uu hayo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

https://www.facebook.com/307900369575441/videos/956137805135126

COMMENTS
LINKS