Taariikh Nololeedka Alle Ha,Unaxariistee Prof Cumar Aw Yuusuf Buux (Cumar Gows). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikh Nololeedka Alle Ha,Unaxariistee Prof Cumar Aw Yuusuf Buux (Cumar Gows).
May 2, 2021 - Written by Editor:

Allaha Naxariistii jano Haka Waraabiyo, Marxuum Pro, Cumar Aw Yuusuf Buux(Cumar Gaws), Gudoomiye/Kuxigeenkii Baanka dhexe ee Somaliland oo Maanta Magaalada Hargeysa Ku Geeriyooday.

Waxaan Eebe Uga baryaynaa Marxuumka in uu Janadii Fardawsa Ka Waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii iyo Ehelkiina iyo Dhamaan Qaranka Somaliland ee uu Ka baxayna Samir iyo Iimaan Ka Siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Marxuumku Prof Cumar Aw Yuusuf Wuxuu Ku Dhashay Magaalada Kalabaydh Sanadkii 1948kii, Wuxuuna Malcaamadiisii Quraanka, Ku Qaatay, Kalabaydh Waxaana Dugsiga Hoose/Dhexe laga Qorey Magaalada Tog-Wajaale 1955kii , Waxaanu Waxbaradhadiisii Dugsigiisii Sare oo uu Dhamaystay Sanadihii 64kii, Ku Qaatay Dugsiga Sare ee Camuud ilaa 65kii, Waxaanu Waxbarasho Heer Jaamacadeed oo Dhinaca Dhaqaalaha ah Ka Galey Magaalada Muqdisho, Isagoo Ka Shaqeeyay, Dhinaca Wasaaradda Ganacsiga Isla markiibana u Wareegay, Baananka Soomaaliya, oo uu Ka Noqdey, Madaxda Sare, Waxaanu Tiraba Afar jeer Waxbarasho Aqoon Korodhsi oo Dhinaca Dhaqaalaha ah Kusoo Qaatay Dalka Dibadiisa, Mudo afar Sanadood ah.

Waxaanu Dalkii la Isku odhan Jirey Soomaaliya ka Goostey Sanadihii Dabayaaqadii Toddobaatanaadkii, Halkaas oo uu Aqoontiisa ugu Shaqo tagey Waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, oo uu Markiiba ka Shaqo Galey Bankiyada ugu Waaweyn ee Dalkaasi, isagoo Sanadihii Sideetamaadkii Noqdey Gudoomiyaha Jaaliyada Sucuudiga ee Ururkii SNM, oo uu u Qaabilsanaa Dhinaca Dhaqaalaha iyo Qaadhaanka Lagu Taageerayo Halgankii Hubaysnaa, oo Soo Waday Tan iyo intii Lagu Soo Gurya noqonayay dalka Somaliland.

Marxuum Pro. Cumar Aw Yuusuf Buux Wuxuu Kamid ahaa Aqoonyahankii Seeska u Dhigay Nidaamka Baananka Somaliland Bilawgii yagleelka Qaranimada iyo Gooni Isku taaga, oo uu Gacan Weyn ka Geystay, laga Soo Bilaabo Sanadkii 1992kii, oo uu Dalka Soo gaadhsiiyay, Taageero dhaqaale, oo Jaaliyadihii Carabta ee Somaliland kasoo jeeday ugu talogaleen Dibudhiska iyo Dibudajinta Bilawgii Dawladnimada  Somaliland, Marxuumku, Wuxuu Ka qeybqaatay, Bilawgii Dhinaca Farsamada Ee Baanka Somalikand Xiligii Xikuumadii Marxuum Cigaal isagoo, Ka Cudurdaartey, in uu Xilalka Qabto.

Marxuumka oo Kamid ahaa Aqoonyahanka Qunyar socodka ah, Ee Dabeecada Wanaagsan, kuna Kooban Shaqadiisa inta Badan, Waxaanu Kamid ahaa Tiirarka Jaamacada Hargeysa, oo uu Mudo Dheer Wax kasoo Dhigay Khusuusan, Deanka Kuliyada Dhaqaalaha  Sanadii 2010kii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ay Aqoon dheer isku lahaayeen ilaa Xiligii Dalkii la isku idhan jirey Soomaaliya ayaa u Magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka Baanka Somaliland Xilkaas oo uu ilaa hada Hayay.

Allaha Naxariistii jano haka Waraabiyo Dhamaan umada Reer Somaliland ee uu Ka baxayna Eebe Samir iyo Iimaan Saadiq ah Haka Siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Marxuumka ayaa Ifka kaga Tagay sided Umad ah Iyo Hal Xaas,

 

COMMENTS
LINKS